Somaliland: “Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashooyinku Wuxuu Dhaawacayaa Sumcada Somaliland” Amb Harriet Mathews

Somaliland: Amb Harriet Mathews stressed the importance of timely holding of Somaliland Elections.

Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaliya danjire Harriet Mathews, ayaa shir jaraa’id oo ay Hargeysa shalay saxaafadda ugu qabatay waxay ku sheegtay in Ingiriisku taageerayo nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, balse  dib u dhac ku yimaada doorashooyinku dhaawacayso sumcada Somaliland ee dimuqraadiyadda.

Danjire Harriet, waxay sheegtay in shalay oo ay Hargeysa timid ay kulamo la yeelatay xubno wasiiro ah, guddoomiyaha maxkamadda sare oo ay kala hadashay arrimo ay ka mid yihiin xeerka saxaafadda iyo xorriyadda saxaafaddaba, iyadoo sheegtay inay maanta kulan la yeelan doonto Madaxweyne Siilaanyo.

Danjire Harriet oo ka jawaabaysa su’aal laga weydiiyay in masuuliyiinta ay la kulantay kala hadashay xorriyadda saxaafadda, waxay sheegtay inay wasiirka arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha maxkamadda sareba kala hadashay xeerka saxaafadda iyo weliba damaanad qaadka xorriyadda saxafadda.

Flanked by her embassy's communications lead Abdikadir Askar Amb Harriet Mathew takes notes during meeting with Somaliland Journalists
Flanked by her embassy’s communications lead Abdikadir Askar Amb Harriet Mathew takes notes during meeting with Somaliland Journalists

Mar wax laga weydiiyay suurtogalnimada dib u dhac ku yimaada doorashada baarlamaanka oo ay tahay in mar la wada qabto doorashada madaxtooyada bisha March ee sannadka dambe iyo mawqifka Ingiriiska, waxay sheegtay in dib u dhac kale oo ku yimaada doorashooyinku uu wiiqayo sumcadda JSL ee caalamka,

“Ingiriisku mawqif cad ayuu ka leeyahay arrimaha doorashooyinka. Dib u dhac ku yimaada doorashooyinku wuxuu dhaawacayaa kalsoonida iyo sumcadda Somaliland. Jaaliyadda dibadda oo aan London kula kulmay laftoodu waxay ii sheegeen inaanay doonayn inay doorashadu dib u dhacdo.” ayay tidhi safiiradu.

Waxay danjiruhu soo jeedisay in mar la wada qabto doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka sidii lagu heshiiyay,

“Mawqifkayagu aad buu u cadyahay. Balan ayaa la galay ahayd in  doorashooyinka mar la wada qaban doono, waxaanan ugu baaqayaa dawladda Somaliland in laga dhabeeyo go’aankaas oo laga shaqeeyo.” ayay tidhi.

Waxay sheegtay inay aragtay walaacyo laga qabo in doorashada baarlamaanku dib ugu dhacdo saami qaybsiga dartii, waxase ay sheegtay inuu yahay mawduuc laga shaqayn karo haddii la dedaalo, waxaanay soo jeedisay in doorashada oo dib loo dhigo aan loo arag xalka saami qaybsiga.

Somaliland: Amb Harriet Mathews stressed the importance of timely holding of Somaliland Elections.
BREXIT will not Affect UK Interventions Locally – Amb Harriet.
Somaliland: Amb Harriet Mathews stressed the importance of timely holding of Somaliland Elections.
British Ambassador to Somalia Harriet Mathews poses with SL journalists after meeting in Hargeisa
Somaliland: Amb Harriet Mathews stressed the importance of timely holding of Somaliland Elections.
Amb Harriet Mathews stressed the importance of timely holding of Somaliland Elections.
Somaliland: Amb Harriet Mathews stressed the importance of timely holding of Somaliland Elections.
British Ambassador to Somalia Harriet Mathews poses with SL journalists after meeting in Hargeisa

Comments

comments