Layaabka Dunida: Lammaane Xafladdii Arooskooda U Doortay In Lagu Soo Hooyo Gaadhiga Maydka Lagu Qaado!!!

1654

Warkii aad maqashaaba yaabkiiisa lehe waligaa ma maqashay nin habeenkii aqal galkiisa halkii uu gaadhi caadi ah ka soo raaci lahaa ee uu ku hoyan lahaa nin isagu gurigiisii uu ku aqal galayay ama xafladdii arooskiisa u soo kaxaystay gaadhi Ambalaas ah oo ah nooca waliba Maydka lagu qaado. Waa dhacdo in badan oo dadkii maqlay ama arkay sida qisadani u dhacday aad ula yaabeen waxaanay ka dhacday wadanka Ingiriiska. Wargeyska Daily Mail oo arrintan wax ka qoray waxa uu qoraalkiisa ku bilaabay sidan: Nin u dhashay wadanka Britain ayaa soo kaxaystay Gaadhi nooca Maydka lagu qaado ah si loogu gudbiyo oo uu ugu raaco Kaniisadda Deegaanka Berkley ee Gobolka Devon ee dalka Ingiriiska si uu u tago xafladda Arooskiisa oo ay diyaar ku ahayd haweenaydii ninkani la aqal gali lahaa oo la sheegay in uu doonay muddo haatan laga jooto 21 sanadood balse ay maanta aqal galeen. Waxa uu ahaa Colin More oo da’diisu dhaaftay 89 sanadood kadib markii uu soo kiraystay gaadhi kuwa Maydka lagu qaado ah si uu u muujiyo in isaga iyo haweenayda uu doonayo in uu la aqal galo oo iyana da’diidu tahay 81 sanadood u muujiyaan in ay aad uga xun yihiin in guurkoodu habsaamay kadib markii ay isu doonanaayeen muddo ka badan 21 sanadood. Colen ayaa warkani sheegayaa in uu haweenayda Margret doonay sannadkii 1992kii balse ay maanta go’aansadeen in ay aqal galaan. Ninkan aqal galkiisa u soo kaxaystay gaadhiga Maydka lagu qaado oo u warramaay wargeyska Daily Mail waxa uu yidhi: “Waxa aan doonay in aan guursado sannadkii 1992-kii kadib muddo dheer oo aanu saaxiibo ahayn haweenayda Margret balse wakhtigaasi nooma ay suurta galin in aanu aqal gallo. Sidii ayaanu u ahayn laba nolosha ku wadaaga saaxiibtinimo aan hoy ku wada noolayn. Maanta ayaan ku qanciyay in la gaadhay wakhtigii aanu nolosha wadaagi lahayn ee aanu aqal gali lahayn. Waxaan u arkaa in uu yahay wakhtigii munaasabka ku ahaa xafladda arooskayga waxaanse ogsoonahay in aanaan wakhti dheer sii noolaan karayn da’dayda marka la eego”. Labadan lamaane ayaa markii ay aqal galayeen waxa lagu soo hooyay gaadhiga maydka lagu qaado waxaanay go’aan ku gaadheen in aanay wax fantasiye ah u dhigan Bisha Malabka loo yaqaano (Honey Moon) lacagta ay ku bixin lahaayeena waxa ay ugu deeqeen jimciyad khayri ah oo ka shaqaysa la dagaalanka Cudurka Kansarka. Haweenayda Margret ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay go’aankan ninkeedu qaatay waxaanay sheegtay in ay u ku jiraan aakhirul cimrigoodii si ay taasi u muujinaana ay gaadhiga maydka lagu qaado u soo kiraysteen si ay dadka u tusaan.

Comments

comments

SHARE