Cir-bixiyeen Farriin Jacayl Daxaya Dushiisa Ugu Qoray Tii Uu Calmaday Oo Dhulka Joogta .. Maxay Kaga Jawaabtay?

Cirbixiyeen u dhashay wadanka Canada oo ku sugan dayaxa dushiisa ayaa farriin jacayl ah oo uu guur kaga dalbanayo haweenayda uu jecel yahay ku dul qoray dayaxa dushiisa kelmaddaasi oo ah “Ma Is Guursanaa”. David Osario oo 27-jir ah kana mid ahaa cir-bixiyeeno u dhashay wadanka Canada oo muddo ku dul sugnaa dayaxa dushiisa oo ay u tageen cilmi-baadhis la xidhiidha dhinaca hawada sare ayaa sameeyey arrin aad loola yaabay oo soo jiidatay dadweyne badan oo maqlay qisada ninkan kadib markii ninkaasi inta uu dayaxa dushiisa fadhiistay oogada sare ee dayaxa ku dul qoray kelmad uu guur kaga dalbanayo haweenay ay in badan is jeclaayeen oo uu doonayay in ay is guursadaan, isaga oo qoraalka uu dayaxa ku dul xardhay u dhigaa sidan: “Will You Marry Me” oo macnaheedu yahay “Ma I guursan doontaa?”. Isaga oo wakaaladda cirbixinta Canada ee Magaalada Toronto ka codsaday in ay xarunta keenaan haweenayda uu jecel yahay oo uu ciwaankeeda siiyay si ay qalabka telescope-ka ugu eegto habeenka dayuxu buuxsano, si ay qalabkaasi ugu eegto dayaxa oo ay ugu aragto farriinta uu dayaxa ku dul qoray.

Sida uu ku soo warramayo wargeyska Daily Telegraph ee ka soo baxa wadanka Ingiriisku, David Osario waxa uu sameeyey arrin cajiib ah. Wargeysku waxa uu leeyahay David waxa uu codsi u soo gudbiyay maamulaha xarunta hawada sare ee dalka Canada ee Magaalada Toronto isaga oo ka codsaday in saaxiibadii oo lagu magacaabo Rodrigea loo ogolaado in qalabka telescope-ka ay dayaxa ku eegto si ay halkaasi ugu aragto farriin jacayl oo uu dayaxa dushiisa ku qoray wakhti aanay wax dabaylo ahi ka dhacayn dayaxa dushiisa qoraalkaasina muddo dhawr saacadood ah ka muuqanayay oogada sare ee dayaxa. Haweenaydii farriintan loogu tala galay ayuu wargeysku sheegayaa in ay tagtay xaruntii hawada ee dalka Canada markii uu Dayuxu buuxsamay bishii hore iyada oo codsatay in qalabka ay ku eegaan dayaxa dushiiisa ay u ogolaadaan in ay ku eegto farriinta uu saaxiibkeed ugu dul qoray dayaxa waxaanay sidaa ku aragtay dhammaan xuruuftii ku xardhanayd oogada sare ee Dayaxa, gaar ahaan goobtii ay kooxdaasi ku sugnaayeen oo ay si wanaagsan uga muuqato qoraalkiisii. Haweenaydii farriintani ku socotay ayaa shuruud la’aan ku aqbashay dalabka guur ee uu ninkaasi u soo diray iyada oo aad ugu faraxday tallaabada uu qaatay. “Qiiro badan ayaan dareemay. Aadbaan u ooyay markii aan arkay isaga oo farriin noocaasi oo kale ah dayaxa iigu dul qoray. Waxaan dareemay sharaf” ayay tidhi haweenaydani.

Comments

comments

SHARE