War DegDeg Ah: Shil Gaadhi Oo Shalay Ka Dhacay Dulleedka Magaalada Gabiley Sababayna Dhimasho Iyo Dhaawac

302

Shil Gaadhi Oo Shaley Ka Dhacey Duleedka Magaalada Gabiiley Oo Sababey Dhimasho Iyo Dhaawac

Allaha u naxariistee inta la ogyahay laba ruux ayaa ku geeriyoodey,halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen,kaddib markii shaley galab shil baabuur uu ka dhacay duleedka magaalada Gabiiley ee dhinaca galbeed ee magaalada Hargeysa.

Shilkan baabuur ayaa ahaa mid ay isku dhaceen ama is-galeen saddex baabuur oo laba ka mid ay ahaayeen gawaadhida Noah-da iyo gaadhi yar oo ah nooca loo yaqaano Vitz-ka ama dukhaanka.

Labada ruux ee geeriyoodey ayaa mid ka mid ah ay ahayd ruux dumar ah halka qofka kalena uu ahaa nin,waxaana ay wararku sheegayaan in gawaadhida Noah-da ay sideen khamri,kuwaasi oo la sheegey in ay ahaayeen niman ka ganacsada khamriga.

Dadka dhaawacmey ayaa la sheegey in uu culus yahay dhaawaca soo gaadhey dadkaasi ku dhaawacmey shilkaasi baabuur.

Ciidamada booliiska ee degmada Gabiiley ayaa u gurmadey dadkii dhaawacmey,waxaana ay geeyeen dadkii dhaawacmey cisbitaalka degmadaasi.

Sidoo kale waxaa ay booliisku gacanta ku dhigeen raggii sidey khamriga,waxaana lagu daweeynayaa cisbitaalka degmaasi

Shilalka gawaadhida ayaa ku soo badanayey guud ahaan gobolada Somaliland sannadadii ugu dambeeyey,iyada oo dhinaca kale laamaha ammaanka waddooyinku ay la tacaalayaan sidiia y uga hortagi lahaayeen shilalka soo noq-noqdey.

Comments

comments