War Deg Deg Ah: Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Wadada Isku Xidha Hargeysa Iyo Berbera Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Shilkaasi Baabuur

Warar naga soo gaadhaya magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil soona gaadhaya xafiiska warqabadka shabakadda Wargane ayaa sheegaya in shil baabuur uu ka dhacay wadada isku xidha magaalooyinka berbera iyo hargeysa gaar ahaan meel u dhaw deegaanka Abdaal.

Waxaana shilkan baabuur oo dhashay kadib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo kala kuwa raaxada ee loo yaqaano Crown iyo NOHO.

Waxaana shilkaasi baabuur ku dhaawacmay sida naloo sheegay dad gaadhaya 5 ruux oo kala saarnaa labada gaadhi,iyada oona dhaawacyada dadkaasi ay qaarkood aad daran yihiina isla markaana loola cararay cusbitaalka magaalada berbera si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

Wali ma jiraan wax dhimasho ah balse waxa la sheegayaa in 2 kamida dadkaas dhaawacyadoodu aad u culus yihiin isla markaana xaaladooda caafimaad dhakhaatiirtu gacanta ku hayso.

 

Comments

comments

SHARE