Somaliland: Maxkamadda Sare Oo La Filayo Inay Badhtamaha Todobaadkan Guda Gasho Dacwadii U Dhaxaysay Gudoomiye Faysal Iyo Musharax Jamaal

173

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Maxkamadda sare ee Somaliland la filayo inay ku guda jirta in todobaadkan ay bilowdo garnaqa dacwad u dhaxaysay Gudoomiyaha xisbiga UCID musharax Jamaal Cali Xuseen.

Waxaana khilaafka labadan masuul hore uga garnaqay go’aamona kasoo saaray gudida diiwaangalinta ururada siyaasadda Somaliland balse waxa dacwadaasi racfaan ka qaatay gudoomiye Faysal isaga oo maxkamadda sarena u gudbiyay dacwadooda,sheegayna inaanu ku qancin ka garnaqa ay gudidu ka garnaqday dacwadooda.

Waxaana la filayaa inay maxkamadda sare ee Somaliland  khilaafkan kasoo saarto go’aamo kama danbays ah oo kala xadaynaya masuuliyiintan khilaafku ka dhex taagan  yahay,kaasi oo xisbiga UCID u kala jabiyay laba garab oo ay kala hogaaminayaan musharax Jamaal Cali Xuseen iyo gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kalena waxa iyaduna istaagtay qaban qaabadii shirwaynihii golaha dhexe ee xisbiga UCID,taasi oo ay go’aamisay gudida diiwaangalintu inuu ku qabsoomo muddo afar cisho ah gudahood,labada garab mid kastaana iska soo saaro shan xubnood oo matalaya oo uga qayb galay qaban qaabada, balse ay garabka Faysal Cali Waraabe ayaa diiday inay iska soo dhex saran shan xubnood oo uga qayn gala qaban qaabada shirwaynaha golaha dhexe ee xisbiga UCID.

Ilaa hadda lama garanayo halka uu sal dhigan doono khilaafka xisbiga UCID,balse ilo xog ogaal ah oo ay helayso shabakada Wargane ayaa sheegaya in gudoomiye Faysal sheegay inuu siyaasadda Somaliland ka fadhiisan doono hadii lagaga guulayso garanaqa dacwada gashay maxkamadda ee la filayo inay bilaabmato todobaadkan.

Comments

comments

SHARE