Samir Nasri Oo War cad Ka Yiri Mustaqbalkiisa Kooxda Man City , In Uu Baxo Ayuu Doonayaa , Xagee Ayuuna Ku Wajahan Yahay?.

197

Samir Nasri ayaa xaqiijiyay in uusan daaqadda ka saareyn in Mna City uu ka huleelayo todobaadkaan inkastoo kulankii ugu dambeeyay horyaalka ee West Ham loo yeeray

Laacibkaas reer France ayaa City u wareegay 5 sanno ka hor xilligaas oo uu 24 milyan oo gini uga wareegay kooxda Arsenal waxaana haatan lala xariirinayaa in uu amaaha ugu baxayo kooxda reer Turki ee Beşiktaş .

” Haa waa suura gal in aan baxo xagaagaan waxa ayna arintaas ku xeran tahay arimo badan , miiska arimo badan oo laga baaran degayo ayaa saaran” ayuu saxaafadda France ku yiri Nasri

Mar uu ka jawaabayay su`aal aheyd in laga yaabo in uu u wareego Beşiktaş ayuu Nasri yiri ” arimahaas waa laga xaajoonayaa , aan aragno waxa dhaca waana suura gal arintaas”

Nasri ayaa diidan in kursiga keydka farsiisto oo uu badal ku so galo kulamada kooxda Man City waxa ayna wararka qaar sheegayaan in City doonayaan in guud ahaan iska iibiyaan laacibkaas 29 sano jirka ah

Comments

comments

SHARE