Somaliland: Xukuumadda Oo Cambaareysay Sidii MUQDISHO Loogu Aasay Maxamed Cali Samatar Oo Ka Mid Ahaa Gacan-ku-dhiiglayaashii Xasuuqa U Geystay Shacabka Somaliland

256

“In Madax-dhaqameed, Wasiirro illaa Madaxweyne Aan Loo Kala Hadhin Aaska (Maxamed Cali Samatar) waxay Shacabka Somaliland tuseysaa Midabkiinii Rasmiga ahaa….” Wasiir Cadaani.

Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Aaskii Qaran ee Magaalada Muqdisho loogu sameeyay Marxuum Maxamed Cali Samatar oo dhawaan ku Geeriyooday Dalka Maraykanka.

Generaal Maxamed Cali Samatar oo Dawladdii Siyaad Barre ka soo noqday Madaxweyne ku-xigeen iyo Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa Maxkamad Maraykanka ku taallaa ku heshay inuu ahaa Ninkii bixiyey Amarkii Diyaaradihii Dawladdii Soomaaliya Sannadihii siddeetamaadkii ku duqeeyeen Magaalada Hargeysa, duqeyntaas oo galaafatay Nolosha boqollaal qof oo maati aan waxba galabsan ah.

Dawladda JSL oo ka xun in Dawladda Soomaaliya maamuusto meydka Maxamed Cali Smaatar, maaddaama oo uu ahaa Dambiile Amar uu bixiyey lagu Xasuuqay Dad badan oo Reer Somaliland ah, ayaa sheegya inay ka xun tahay in Dawladda Xasan Sheekh Maxamuud u aasto meydkiisa si Maamuus leh, haddiise ay dhacday ay u arkayaan in Dawladda Soomaaliya ay shacabka Somaliland u caddeysatay Cadaawad.

“Dawladda Soomaaliya ee ina sheegataa waxay Maanta samaysay inay Muunayso Nin Xasuuq geystay oo Maxkamadi xukuntay, isaguna qirtay.” Ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxad-diid (Caddaani) oo Shalay la hadlayey Saxaafaddu, waxaanu intaa ku daray, “in Madax-dhaqameed, Wasiirro illaa Madaxweyne aanay u kala hadhin Aaskiisu (Aaska Maxamed Cali Samatar) waxay Shacabka Somaliland gudo iyo dibadba aad tusteen Midabkiinii Rasmiga ahaa wuxuu yahay. Inkastood sida Jirjiroolaha hadba Midab iska dhigtaan Maanta waxaad na tusteen inaad tihiin Niman Daalimiin ah oo u adeega Xasuuqa iyo Gardarrada, oo aan Naxariis Bani-aadam aqoonin.”

Wsiir Caddaani, waxa uu baaq u diray Beesha Caalamka, “Ummadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay Caalamka u sheegaysaa in Dawladda iyo Dadka noocaas ah in aanay wax alaale iyo wax ay la qabsan karaan jirin..”ayuu yidhi.

Comments

comments

SHARE