Somaliland: Gudoomiyaha Togdheer Iyo Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada Oo Shahaado Qaaliya Ku Maamuusay Shirkadaha DAHABSHIIL GROUP.

172
Somaliland: Togdheer Gubernatorial Office, REO Honor Dahabshiil Group
Togdheer Gubernatorial Office, Regional Education Officer Honor Dahabshiil Group

Gudoomiyaha Togdheer Iyo Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada Oo Shahaado Qaaliya Ku Maamuusay Shirkadaha DAHABSHIIL GROUP. Badhasaabka Gobolka Togdheer mudane Maxamed ibraahim Aadan Qabo iyo masuulyiinta wasaarada Waxbarashada Somaliland Ayaa Shahaado Sharaf Qaaliya Ku Maamuusay Shirkadaha DAHABSHIIL GROUP oo kaalin Mug Leh ka qaatay Xafladii Lagu Dhiirigalinayay Ardaydii Gobolka Togdheer ee Kaalmaha Hore Ka Gashay Imtixaankii Shahaadiga Ahaa Ee Somaliland. Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Aadan Qabo Iyo Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada Somaliland Ayaa Shahaado Sharaftani Gudoonsiiyay Madaxa Suuq geynta Shirkada SOMTEL Oo ka wakiil Ahaa Dahabshiil Group Mudane: Cali Ismacil Cismaan. Shirkadaha DAHABSHIL GROUP Ayaa Kaalin Wayn Oo maali gelineed ka qaatay Sidii ay usuurtowbi lahayd Xafladii Loo qabtay ardaydii guusha lama ilaawaanka ah usoo hoysay gobolka togdheer ee 29arday ahaa, kuwaas oo kaalmaha hore ku hogaaminayay imtixixaankii guud ee ardayda Somaliland laga wada qaaday, Shirkadaha DAHABSHIIL Group ayaa had iyo jeer Waxay goorkasta taageero wayn la barbar istaagaan Bulshada ay u adeegaan, iyo dadka jilicsan, waxayna shirkadasi ku caanbaxday taageerada ay ka geystaan Dhinaca Waxbarashada, Caafimaadka, Wadooyinka, Horumarka Iyo Adeegyada Kale Ee Aasaasiga Ah oo ay bulshada ugu qabtaan Si Taburucaada.

Comments

comments