Somaliland: Xaaladda Dadka La Waayo Oo Faraha Ka Baxday, Qaylo Dhaanta Waalidiin Ubadkoodii La La’yahay Iyo Qisooyin Murugo Leh Oo FOORE Ka Soo Ururiyey Ubad Dirqi Kaga Badbaaday Kooxo Qafaashay

Kooxo Aan La Aqoonsan Oo Ubadka Ula Baxsada Dalalka Jaarka, Guryo La Isugu Geeyo Kadibna Laga Kaxeeyo Iyo Adeegsiga Kooxo Sixirloolayaal Ah Oo Ubadka Taabta Marka La Kaxaysanayo

Hargeysa (Wargane)- Waxa maalmihii ugu dambeeyey isa soo taraya qaylo dhaan hor leh oo ka imanaysa shacabka Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo ka cabanaya ubad badan oo la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, in badan oo ka mid ahna loo malaynayo in aanay sifo caadi ah reerahooda uga lumin ama uga maqnayn ee ay tahay xaajo halis ah oo loo malaynayo in ubadkaasi la qafaashay oo ay u gacan galeen kooxaha ka ganacsada jidhka aadamaha oo muddooyinkii ugu dambeeyey la tuhunsanaa in ay Somaliland ku soo badanayeen dad badana qafaasheen.
Wargeyska FOORE oo u kuur galay xaaladda ubad badan oo maalmihii ugu dambeeyey la waayay oo aan illaa imika qaar badan oo ka mid ah la hayn ayaa waxa u suurto gashay in uu xogo cusub ka helo falalka noocan ah oo halis weyn ku ah nabad-gelyada muwaadiniinta gaar ahaan ubadka da’doodu u dhaxayso 10-jir illaa 19 jir kuwaasi oo shabakado isku xidhani bilihii ugu dambeeyey in badan oo ubad ah ka kaxaysteen ehelkoodii, in badan oo ka mid ah ubadka la kaxaystayna aan illaa imika la hayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen halka tiro yar oo ubadkaasi la qafaasho ka mid ahi siyaalo kala duwan eheladoodii dib ula soo midoobeen ama loo helay, meelo kala duwana laga helay.
Muwaadiniin iskood isu xilqaamay oo cilmi baadhis iyo xog ururin ku wada xaaladdan oo Wargeyska FOORE wax ka waydiiyey falkan dhawaan-dhalad ah ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen in Somaliland halis weyni kaga timid dhinaca ka ganacsiga aadamaha waxa afka qalaad loogu yeedho (Human Trafficking) oo ay sheegeen in ay aaminsan yihiin in ay sababta koowaad u tahay ubadka la waayayo ee maalin walba waalidiintu ka baafinayaan baraha xidhiidhka bulshada, idaacadaha iyo magaalooyinka kala duwan ee dalka oo in badan oo ubad ah aan illaa maanta la hayn meel ay ku sugan yihiin, waalidiin badanina u malaynayaan in ubadkoodii tahriibeen ama hallaabeen iyaga oo aan arrinkan in badani ku bararugsanayn. Kooxahan iskood isku xilqaamay ee xog ururinta ku wada falkan halista ahi waxa ay nooga warrameen dhawr kiis (Cases) oo muddooyinkii ugu dambeeyey ka dhacay magaalooyinka waaweyn oo ah ubad la kaxaystay, kuwo markii la kaxaysanayay siyaalo kala duwan u badbaaday iyo kuwo aan illaa imika la hayn, sidoo kale goobaha inta badan ubadka lala aado ama la geeyo iyo tuhunnada cidda falalkaasi ka dambaysa. Waaanay nala wadaageen dhawrkan kiis (Case):
1. Nimco Ismaaciil (Magaceeda Dhabta Ahi Ma Aha, waxaana loo qariyey codsi waalidka ah)- Waa gabadh yar oo dhawr iyo toban jir ah. Dhawaan waxa ay ka badbaaday kooxaha dadka kaxaysta. Muddo maalin ku dhawaad ah markii ay qoyskooda ka maqnayd ee la taabay waxa baadi doon tagay waalidkeed. Kuma ay guulaysan in ay soo helaan balse iyada ayaa si mucjiso ah uga soo badbaaday kooxihii kaxaystay. Waxa ay sheegtay in nin taabtay muddo kadibna ay is aragtay iyada oo saaran gaadhi Nooho ah (NOAH) oo ay saaran yihiin ku dhawaad 9 qof oo dhallinyaro ah iyo laba nin. Inantan yari waxa ay qayliday wakhti gaadhigii lagu qaatay uu shidaal ka qaadanayo goob shidaalka laga iibsado. Maadaama ay xigtay dhinaca albaabka waxa u suurto gashay in ay albaabkii iska furto iyada oo qaylinaysana ay dibadda uga soo booddo gaadhigii. Markii ay kooxdii gaadhiga watay arkeen in inan yari ka baxsatay ayay xawaare kaga dhaqaaqeen goobtii shidaal ee ay taagnayeen iyada oo albaabkii u furan yahayna sidaa ku baxsadeen.
2. Kiiska labaad waxa weeyi wiil 16 jir ah oo lagu magacaabo Axmed Xasan oo waalidkii baadi doon ay muddo ugu maqnaayeen kadib laga soo helay isaga oo ku sugan magaalada Laascaanood ee Caasimadda Gobolka Sool oo kooxaha dadka kaxaystaa la tageen una sii wadeen dhinaca Puntland kaasi oo ka sheekeeyey in muddo 7 maalmood ah lagu hayay magaaladaasi oo aanu garanayn markii hore waxa ay tahay isaga oo sheegay in goor galab ah laga kaxaystay agagaarka xaafadooda oo ku taalla degmada 26-ka June.
3. Kiis kale waxa uu noqonayaa oo muddooyinkii ugu dambeeyey dhacay gabadh yar oo 14 jir ah oo iyana waalidkeed muddo wiig iyo badh ah baadi doon ugu maqnaa kadib markii la kaxaystay iyada oo goor duhurnimo ah ka soo rawaxday dugsigii ay wax ka baranaysay taasi oo aan illaa imika garan Karin sida ay u raacday ama ay kooxahaasi u kaxaysteen balse muddo lagu hayay guri weyn oo bangalo ah oo ku yaalla xaafadda Jigjiga yar markii horena laga soo afduubtay xaafadda Cabbaaye. Gabadhan yar ugu dambayn waxa u suurto gashay in ay ka soo baxsato koox rag iyo haween ah oo ahaa kuwii kaxaystay waxaanay sheegtay in gurigaasi ay joogeen inta ay ka aragtay dhawr iyo toban ubad ah oo aanay wajiyadooda midna hore u arag. Gabadhan yari waxa ay waalidkeed dib ula midawday markii ay soo baxsatay subax hore oo ay qof ay goob jid ah kula kulantay ka codsatay in uu nambarka hooyadeed u garaaco oo ay muddo ka maqnayd reerkooda sidaana lagu helay. Balse ay tahay illaa maanta qof firko naxsan oo aan garan Karin goobta ay mudadaasi ku sugnayd iyo dadkii la joogay oo u sheegay in ay dhoof u hayeen oo ay dhoofinayaan.
Intaasi oo kali ah kuma koobna falalka noocan oo kale ahi balse waxa aan isku dayi doonaa in aan cadadyadayada dambe idinkula wadaagno xogo faahfaahsan oo kale iyada oo naloo xaqiijiyey in kooxahan ubadka kaxaysanayaa ay la shaqaystaan kooxo kale oo sixirroolayaal ah oo ubadka taabta waxna ku akhriya kadibna qofku dadkan kaxaysanaya iska daba dhaqaaqayo si baraad li’i ah balse muddo kadib uu ku baraarugayo in uu xaalad qafaalasho ah ku jiro marka uu tago meel aanu garanayn iyo cid aanu garanayn oo la socota. Waxa kale oo aanu xogahan ku ogaanay in dalalka dadka la geeyo ee loola baxsado ay ka mid yihiin Jabuuti, Itoobiya, Puntland, Yemen illaa Suudaan.
Illaa imika ma jiraan dadaalo dhinaca xukuumadda iyo bulshada ah oo ku aaddan sidii falalkan walaaca leh wax looga qaban lahaa walina waxa aad mooddaa in aanay dadkeenu ku baraarugsanayn falkan halista ah halka in badan oo bulshada ka mid ahi marka ay qisooyinkan maqlaan u qaataan kuwo la malo awaalay ama aan sidaa u sii ridnayn balse ay xaajadu imika gaadhay heer halis ah oo ay faraha ka baxday.
..La Soco Qaybo Kale

Comments

comments

SHARE