Somaliland: Wasiir ka Hadlay Ujeedada Socdaal uu ku Maray Gobolka Saraar

150

Caynaba(Wargane News):- Wasiirka Wasaaradda Dib U Dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal,ayaa ka warmay socdaal shaqo oo qaatay maalin iyo habeen oo uu ku soo kormeeray goobaha diiwaan galinta Codbixiyeyaasha ee gobolka Saraar oo galay maalintii afraad.

Wasiir Raygao oo socdaalkiisa ay ku wehelinayeen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan madaxda gobolka Saraar ayaa sheegay guud ahaan sadex degmo iyo tuulooyinka hoos yimaadda oo ay soo mareen in ay diiwaan galinta codbxiyeyaashu si wanaagsan uga socoto.
Waxaa kale oo uu sheegay in gobolada Sool’Saraar iyo Buuhoodleba in ay diiwaan galinta codbixiyeyaashu si habsami ah uga wada socoto dadweynuhuna ay is diiwaan galinayaan guud ahaan deegaanadaasina ay yihiin nabad gelyo oo ammaan buuxaa uu ka jiro.
Waxaa kale oo uu sheegay in deegaano badan oo ay soo mareen in ay ka jirto xaalad abaareed oo uu ku yaraa dhulka qaar roobkii gug,waxaanu sidaa ku sheegay Wasiir Cali Siciid Raygal mar uu xalay khadka Tilifoonka ugu waramay Wargayska Dawan isagoo ku sugan magaalada Caynaba Xarunta Gobolka Saraar.
“Waxaanu magaalada Caynaba ka baxnay lixdii subaxnimo ee shalay waxaanan socdaal dheer oo qaatay maalin dhan iyo saacado badan oo habeenimo ah aanu ku soo marnay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Saraal degmooyin iyo Tuulooyinba waxaanan soo kormeeraynay goobaha diiwaan galintu ka socoto iyo siday dadweynuhu isku diiwaan galinayaan. Markaa diiwaan galinta Codbixiyeyaashu si wanaagsan oo habsami ah ayay uga socotaa guud ahaan degaanada aanu soo marnay oo dhan..
Waxaanu soo marnay degmooyinka War-idaad. Kala Baydh iyo Ceelal iyo tuulooyinka hoos yimaadda dhamaantoodna diwaan galinta codbixyeyaashu si wanaagsan ayay uga socotay intaanu deegaanadaa socodka ku maraynanayna lamaanu kulmin wax caqabd ah oo akad galiya diiwaan galinta hawlwadeenada gudiga doorashooyinka iyo dadwaynaha midkoodna wax cabasho ah noomay sheegin iyo wax caqabad diiwaan galinta ku ah,xaalada guud ee deegaanaasina waa nabad gelyo oo wax ammaan darro ahi kama jirto oo haddii uu qofku guri seexdo iyo hadduu bannaan seexdo waa isugu mid.”
Wasiir Cali Siciid oo ka hadlayay xaalada nololeed ee dad iyo duunyo ee deegaanada ay soo mareen ayaa yidhi. “dhulkaanu maraynay wuxuu u badnaa abaar oo waxaa deegaanadan intooda badan ku yaraa roobabkii guga markaa abaar ayaa ka jirta xooluhuna way jilicsan yihiin ALLENA waxaan uga baryaynaa in uu Raxmaadkiisa ugu deeqo oo uu roob inoogu deeqo gacanta ALLE,ayuunbaa lagu dhergaa oo abaarta inaga jabin karta markaa dadkana waxaan ku waaninaynaa in ay ALLE baryaan oo isu naxariistaan.”

Wasiir Cali Siciid Raygal ayaa intaa ku daray. “Guud ahaan gobolada Sool,Saraar iyo Buuhoodleba diiwaan galinta codbixiyeyaashu si wanaagsan ayay uga socotaa waxaanay sanaaduuqda diiwaan galintu ay gaadheen degmooyinka Taleex illaa Boocame illaa Buuhoodle oo ay hareerihiisa oo dhan ka socoto markaa waa guul qaran iyo tallaabo wanaagsan oo lagu guulaystay in ay dadku isu diiwaan galiyaan in ay doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona codkooda dhiiban karaan,waanan ku hambalyaynayaa guud ahaan sadexda Gobo lee ay ka socoto diwaan galinta codbixiyeyaashu dadkooda sida wanaagsan ee nabad gelyada ah isu diiwaan galinaya.”

Wargane NEWS

Comments

comments