Jose Mourinho Oo Ugu Baaqay Xiddigaha Man United Inay Aaminaan Inay Ku Guuleysan Karaan Premier Leagu Hadal Qiiro Leh Uu Ka Jeediyay Carrington.

Jose Mourinho ayaa si qiiro leh ugu baaqay xiddigaha Manchester United inay aaminaan inay koobka Premier League ku soo celin karaan Old Trafford.

Special One ayaa si dhiirogelin leh ku bilowday noloshiisa cusub ee Manchester United isagoo badiyay labadii kulan ee ugu horeysay ee horyaalka islamarkaana kooxda u qaaday koobka Community Shield.

Ka hor kulanka ay kooxdiisa caawa la ciyaareyso kooxda Hull City, Mourinho ayaa gubaabiyay xiddigihiisa oo ay ku jiraan Zlatan Ibrahimovic iyo Wayne Rooney isagoo u sheegay inay qasab tahay inay aaminaan inay ku guuleysan karaan Premier League mar kale.

Ilo ka tirsan Man United ayaa u sheegay jariirada The Sun: “Jose waxa uu la fariistay ciyaartoyda waxaana uu u sheegay inuu ku qanacsan yahay kooxdiisa.

“Waxa uu u sheegay inuusan dooneynin inuu midkoodna ka baxo albaabka, islamarkaana uusan baahi weyn u qabin inuu ciyaaryahan kale la soo wareego.

“Fariintiisa waxa ay aheyd mid cad. Jose kuma fekerayo in xilli ciyaareedkaan uu yahay xilli ciyaareedkii United lagu soo celin lahaa afarta kooxood ee ugu sareysaa, xilli ciyaareedkan waa xilli ciyaareedkii lagu guuleysan lahaa horyaalka.

“Waxa uu doonayaa inay ciyaartoyda aaminaan taas.”

Comments

comments

SHARE