War Deg Deg Ah :- Baanka Dhexe Ee Somaliya Oo Lacag Laga Xadey .

Moqdisho (Wargane News):- Gudoomiyaha Baanka  dhexe ee dalka Somaliya Muddane Dr. Bashiir Ciise Cali ayaa waxa uu sheegay in qasnada baanka dhexe laga xadey lacag adag .

Gudoomiyaha ayaa waxaa  qadarka lacagta ah ee laga xadey qasnada baanka ku sheegay in ay tahay 530,000 oo doolar   (Shan Boqon Iyo Sodon Kun Oo Dolor ) isla markaana ay socdaan badhitaano ku saabsan halka ay lacagtani martey

Dr. Bashiir Ciise Cali  ayaa sidoo kale sheegay nuu falkaasi ka dambeeyay mid ka mida Qasnajiyada Bankiga,kaasoo muddo Bil ah soo dhigayay Lacago Been abuur ah, dabeedna kala baxayay midda rasmiga ah ee halkaasi taalla,wuxuuna intaa raaciyay inuu shaqsigan baxsaday laguna raadjooga

Comments

comments

SHARE