Burco (Wragane News)- Madaxdhaqameed iyo waxgarad baaxad leh oo ka soo jeeda beesha deegaanka Galbeedka Burco ee Gobolka Togdheer, ayaa si buuxda u taageeray murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Cuqaal, odayaal iyo waxgarad kale oo ka kala socday beesha Galbeedka Burco, ayaa taageero iyo inay dooranayaan u ballanqaaday Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo masuuliyiin kaloo xisbigiisa ah oo shirk u dhexmaray magaalada Burco oo uu hadda ku sugan yahay kadib markii uu ka soo laabtay socdaal uu hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ugu tagay Gobolka Sool.

Shirka oo galabnimadii shalay ka dhacay guriga Martida ee Burco oo ahaa mid warbaahinta u furnayn marka laga reebo muuqaalo laga qaaday, ayaa markii uu dhammaaday waxa xubno ka mid ah cuqaasha iyo odayaasha ka qaybgalay oo la hadlay saxaafaddu ay sheegeen in si fiican la isugu afgartay kulanka, isla markaana odayaasha iyo waxgaradku aqbaleen codsi uu Guddoomiyaha KULMIYE kaga dalbaday inay doortaan oo codka siiyaan.

Waxa kaloo ay sheegeen in Muuse Biixi ka mid yahay dadka abaalka ku leh dalka Somaliland ee u mudan in loo doorto Madaxweynimo, taa beddelkeeda ay iyaguna kula dardaarmeen inuu caddaaladda ilaaliyo haddii uu talada waddanka ku guulaysto.

“Haddaanu Habaryoonis nahay xisbiga KULMIYE horena waanu ugu jirnay iminkana taageero adag ayaanu siinaynaa, xukuumadda KULMIYE ee Madaxweyne Siilaanyo wax badan ayey ka qabatay dalka.” Sidaas waxa yidhi Oday Maxamed Ismaaciil Dubbad.

Comments

comments

SHARE