Somaliland: Laba Su’aalood Oo Anfariir Ku Riday Maayar Soltelco- ‘Wakhtiga Uu Fadhiyo Xafiiskiisa Iyo Dhulkii Danta Guud Ahaa Ee Laga Reebay Beerihii La Qorsheeyay Intii Uu Xilka Hayay’

455

Maayar Soltelco Oo Markii Horaysay Bulshada Reer Hargeysa Hor Yimid Iyo Labada Su’aalood Ee Bulshadu U Dhegtaagayso Jawaabta Uu Ka Bixiyo

Hargeysa (Wargane News) – Hordhaca Muuqaalo laga helay oo baraha bulshada lagu baahiyay Su’aalihii layaabka lahaa ee Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco lagu waydiiyay Barnaamijka Qanci Dadkaaga ee Horn Cable TV laga baahiyo ayaa waxa ku jiray Laba su’aalood oo aad loogu bogay oo aan rabno inaanu halkan ugu soo gudbino bulshada iyagoo qoraal ah,Waxa ay labadaasi su’aalood markii la waydiiyay ay badeleen muuqaalkii caadiga ahaa Maayar Soltelco,waxaana laga dhursugayaa Jawaabta macquulka ah ee uu ka bixiyo,mid waa wakhtiga uu shaqeeyo oo aanay bulshadu ku qanacsanayn iyo dhulka Danta guud ah ee la ogyahay in la musuq maasuqo.
Gabadh Muwaadinad ah oo reer Hargeysa ah oo ka mid ahayd Dadkii su’aalaha la boobay Maayar SOLTELCO ayaa waydiisay su’aal aad loogu bogay oo ruxday quluubta dad badan oo reer Hargeysa ah,gaar ahaan cid kasta oo ay dani ka gashay Xafiiska Maayar oo maruun booqatay,lana kulantay dareenka ay xambaarsan tahay Su’aashani“ Maayar,Dhaliisha aan anigu kuu hayo caawa,Waxa weeyaan,Xafiiskaaga Waxaad Timaadaa Wakhti Dambe,Waxaad ugu timaadaaa Safaf Dhaadheer oo dad ah,oo iskugu Jira Dad cabasho Wada iyo Dad Dano Kale Kuu Leh,Waxa kuu soo gala Nin Madax ah,Albaabka ayaad soo xidhataa,Isla Kaw iyo Tobankaba Waad Baxdaa,Toban Cisho ayay ku gaadhaan Halkaasi,?”
Wiil kale ayaa isna waydiiday Su’aal aad madaxa loogu ruxay oo marag madoon ah oo aad loo wada sugayo Jawaabta uu Mayar Soltelco ka bixin doono,waxa ay su’aashani ku qotontaa dhulka danta Guud ah ee inta badan laga jaro Beeraha cusub ee la qorsheeyo,kuwaasi oo ah halka ay u dhimatay ee ay Maayarka iyo Xildhibaanada Golaha deegaanku ka nafiseen islamarkaana uu maalka badani ka soo galay,kana soo galo,waxa ay su’aashaasi u dhignayd sidan“Maayarka waxaan weydiinayaa inuu noosheego tirada beeraha magaalada Hargeysa ee la qorsheeyay intii uu xilka hayay,Dhulkii ka go’ay ee danta guud ahaa,iyo wixii lagu qabtay”.
Barnaamijkan ayaa si weyn loo wada sugayaa daawashadiisa,waxaana la rajaynayaa in isaga oo dhamaystiran Habeenada inagu soo fool leh laga siidaayo Horn Cable Tv Insha Allah.

Comments

comments