Somaliland: Golaha Degaanka Hargaysa Oo Go’aan Ka Qaadanaya Shirkado Diiday Inay Xadhkahooda Mariyaan Dhulka Hoostiisa.

156

Hargeysa (Wargane News)-Maayarka caasimadda Hargaysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa shaaciyay   in ay tallaabo ka qaadayaan  shirkadaha korontadda iyo kuwa  is-gaadhsiinta  oo uu sheegay in ay diideen in ay dhulka hoostiisa mariyaan xadhkahoodda.

Waxaanu sheegay maayarku in shirkadaha Korontadda oo ay hore diniin ugu direen in ay xadhkahoodda dhulka hoos mariyaan, balse ay ka dhego-adaygeen in ay amarkaasi fuliyaan in maanta uu golaha degaanka caasimadu go’aan cad ka gaadhayaan.C/raxmaan Soltelco, waxa uu sidaasi ka sheegay kulankii dadweynaha ee Arbacadii shalay oo ka qabsoomay xarunta dawladda hoose, iyadoo kulankaasi ay maalin kasta oo Arbaca ah dadweynaha caasimadu su’aalo ku waydiiyaan maayarka.

Waxaanu tilmaamay maayar Soltelco in ay bilaabayaan olole balaadhan oo ay ka fulin doonaan jidka dheer ee Madaarka iyo Saldhiga dhexe ee Hargeysa, isla markaana ay bur-burin doonaan Boodhadhka waaweyn ee jidka hareerihiisa laga taagay iyo dhamaanba xadhkaha Korontadda iyo kuwa shirkadaha is-gaadhsiinta. Duqa caasimadda oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Mar labaad waxaaanu fulinaynaa ololihii aanu ku banaynaynay Wadadda Madaarka.

Boodh (tabeello) taagana laguma arki doono, waana la goynayaa. Qoladda Laydhka (korontadda) waxaan leeyahay waad diideen in wadadaasi la dhiso, oo birihii waad qaadi waydeen, anaguna go’aankayaga waxaanu soo saari doonnaa Barritoolle (maanta), oo golaha degaanka caasimadu shir deg-deg ah ka yeelan doonaan”.

Maayarku waxa kale oo uu sheegay inuu soo gabogaboobay wershaddii wadooyinka lagu samanayey, waxaanu yidhi “Waxaanu dadweynaha ugu bushaaraynaya in Karasharkiina dhaqaaqay, asfalkiina uu maanta tijaabo ku jiro, toddobaadka dambana uu wax soo saarkii soo bixi doonno, haddii alle idmo” Dhinaca kale, maayarka caasimadda waxa uu dadweynaha caasimadda ugu baaqay inay diiwaangaliyaan hantidoodda ma guurtidda ah,waxaanu usoo jeediyey inay la shaqeeyaan kooxda wadda diiwaangelinta hantidda ma guurtidda ah ee degmooyinka caasimadda ka socda.

Comments

comments

SHARE