Qisada Ninkii Sameeyey Filimkii Rasuulka Lagu Dhaleeceeyey Oo Qaatay Diinta Islaamka Wakhtigana Cimraysanaya Xajka

Inkasta Oo Uu Hore Rasuulka Wax Uga Sheegay Hadana Maanta Waakan Qabrigiisa Dul Taagan Isaga Oo Ilmaynaya!!

Waligii kumuu fikirin in uu si dhib yar u soo gali doono ama u qaadan doono diinta Islaamka ee Xaniifka ah, Arnaud Fandor oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga xorriyadda ee Garabka Midig ee wadanka Holland oo ka mid ahaa Ragga isla leh shirkaddii soo saartay Filimkii lagu dhaleeceeyey Rasuulkeena Muxamed NNKHA. Mar kali ah mudadii uu noolaa qalbigiisa kuma ay soo dhicin in uu maalin ku dhawaaqi doono Shahaadada iyo Tawxiidka, soona booqan doono labada Masjid ee Xurmada Leh (Xaramka iyo Masjidka Nebiga SCW). Wargeyska Cukaz ee ka soo baxa wadanka Sucuudiga ayaa booqashada ninkan waxa uu u raacay Labadan Masjid isaga oo u kuur galay habka uu diinta islaamka u qaatay ninkan xag jirka ahaan jiray. Qisada wargeysku arrinkan ninkan ka qoray waxa ay ku bilaabmaysaa sidan: “Waxa uu la socday qaar ka mid ah Jaaliyadda Muslimiinta ah ee dalka Holland iyo koox culimo ah oo u dhalatay wadanka Sucuudiga. Markii aanu ku booqanay Masjidka Rasuulka waxa indhihiisa ka qubanaysay Ilmo dhaadheer waxaanu ahaa nin Khushuucsan oo ka xun waxyaabo uu hore u sameeyey. Arnaud Fandor Haddii maalmo uu ahaa nin dunida si weyn looga hadal hayo oo ka mid ahaa kooxdii soo saartay Filimkii ugu horreeyey ee wax lagaga sheegay Sumcadda Rasuulka. Maanta waakan ku sugan Masaajidka Nebiga ee Madiina Al Munawara. Arnaud Fandor waxa uu sheegay in Markii Kambanigiisu soo saaray Filimkii Nabiga lagu dhaleeceeyey uu arkay sida dadka muslimiinta ahi uga damqadeen iyo jacaylka ay u qabaan rasuulkooda. Waxaan is waydiiyay su’aalo badan taasaana keentay in aan baadhitaan rasmi ah ku sameeyo Diinta islaamka iyo Nabi Muxamed NNKHA. Baadhitaan kadib waxa Ilaahay qalbigiisa u ballaadhiyay Nuurka waxaanu ku muslimay Masaajid weyn oo ku yaalla Amsterdam, Caasimadda Holland. Arnaud Fandor oo wargeyska Cukaz la hadlayaa waxa uu yidhi: “Baadhitaanka aan ku sameeyey Islaamka ayaa keenay in aan qaato. Waxaan aqoonsaday in aan galay dambigii ugu weynaa ee taariikhda la sameeyo. Waxaan ka baxay xisbigii Xorriyadda ee Garabka Midig oo ah Xisbi xag jir ah oo cadaawad weyn u haya islaamka iyo dadka muslimiinta ah, waxaanan qaatay Islaamka. Markii aan Islaamay oo ay arrinkaa iga caawiyeen dadka Muslimiinta ahi waxa aan booqasho ku imid Sucuudiga. Waxaan booqday Goobo badan oo cajiib ah. Waxa ka mid ah Labada Masjid ee Xurmada Leh. Waxa aan booqday Qabrigii Rasuulka, Buurta Uxud ee Taariikhda weyn leh iyo Goobo badan oo barako leh”. Wargeysku waxa uu xusay in Arnaud Fandor uu wakhtigan ku cumraysanayo Masaajidka Xaramka ee Barakaysan kadibna uu kulamo la yeelan doono culimo badan oo muslimiin ah iyo macaahid waaweyn kadibna uu dib ugu noqon doono Holland waxaanu isaga oo Ilmaynaya wargeyska u sheegay in uu dib ugu soo noqon doono dhulkan qiimaha badan.

Comments

comments

SHARE