Manchester City Oo U Soo Baxday Wareega Groupyada Champions Leaque-ga Iyo Kooxda Guardiola Oo Si Sahlan Ku Soo Dhaaftay Kooxda Ree Romania Ee Steaua Bucharest

195

Manchester City ayaa si rasmi ah u xaqiijisatay in ay qayb ka tahay 32 ka kooxood ee barri loo samayn doono isku aadka Champions Leaque-ga wareegiisa groupyada kadib markii ay kooxda Steaua Bucharest ku garaacday 1:0 iyada oo isku darka kulamadii lugta hore iyo lugta hore ugu soo baxday 6:0. Guardiola ayaa markan ka war sugi doona saddexda kooxood ee ay isku groupka noqon doonaan, wuxuuna taas ogaan doonaa barri oo khamiis ah marka la  soo saaro isku aadka heerka groupyada Champions Leaque-ga oo lagu qaban doono maaalada Monaco.

Manchester City ayaa kooxda Steaua Bucharest ku soo dhawaysay Etihad Stadium kulankii lugta labaad ee isreeb reebka Champions Leaque-ga waxayna City kulankan ciyaaraysay iyada oo doonaysay kaliya in ay si rasmi ah u xaqiijisato in ay u soo baxdo heerka Groupyada Champions Leaque-ga kadib markii ay kulankii hore 5:0 ku soo xaaqday kooxda martida u ahayd ee Steaua Bucharest.

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa kaga dhabeeyay balanqaadii uu sameeyay ee ahaa in goolhaye Joe Hart iyo Yaya Toure ay kulankan ka heli doonaan fursad ay markale kooxda ugu ciyaaraan, waxayna labaduba ku soo bilawdeen shaxda Guardiola ee kulankii lugta labaad ee isreeb reebka Champions Leaque-ga. Jeo Hart ayaa sidoo kale kulankan loo xidhay calaamada kabtanimada kooxdiisa.

Waxa kale oo kulankan ku soo bilawday difaaca da’yarka ah ee Maffeo oo ka garab ciyaari doona Stones, Kolarov iyo Clichy, waxaana khadka dhexe ku soo wada bilawday Fernando, Toure iyo Delp halka Nolito iyo Iheanacho oo weerarka hogaaminayay ayaa caawin ka helayay  Navas. Halka Sergio Aguero , David Silva iyo Raheem Sterling oo kulamadii hore ku soo wada bilawday ay kaydka ku wada jireen.

SHIXIHII RASMIGA AHAA EE LABADA KOOXOOD KULANKAN KU SOO GALEEN:

Manchester City XI (4-1-4-1): Hart; Maffeo, Stones, Kolarov, Clichy; Fernando; Navas, Toure, Delph, Nolito; Iheanacho.

Kaydka: Gunn, Angelino, Adarabioyo, Fernandinho, Silva, Sterling, Aguero.

Steaua Bucharest XI (4-2-3-1): Cojocaru; Aganovic, Tamas, Mitrea, Momcilovic; Bourceanu, Muniru; Enache, O. Popescu, Hamroun; Tudorie

Kaydka:Nita, Simion, D. Popescu, Vilceanu, Achim, Stanciu, Popa.

Waxaa si buuxda loo fahmi karayay in uu yahay kulan xili horeba natiijadiisa la sii ogaa taasi waxay keentay in Manchester City ayna waqti badan ku lumin cadaadis xoogan oo ay saarto kooxda martida ahayd Steaua Bucharest, waxayna ujeedadeeda kowaad ahayd in ay si buuxda u ilaashato natiijada ay guusha ugu taagnayd isla markaana ay ka taxadarto in ciyaartoydeeda muhiimka ah ay dhawacyo soo gaadhaan.

Laakiin kooxda martida ahayd ee Steaua Bucharest ayaa doonaysay in ay raadiso goolal ay marka hore ku soo yarayn karto farqiga goolashii lagu soo xasuuqay kulankii lugtii hore, basle Manchester City ayaan wax fursad ah siin Steaua Bucharest waxayna kooxda Guardiola awooday in ay si buuxda gacanta ugu hayso maamulka ciyaarta.

Inkasta oo ay Man City fursado abuurtay haddana may ahayn kuwo dhibaato wayn u keeni karay goolhayaha iyo difaaca kooxda Steaua Bucharest, waxayna qaybta hore ahayd mid lagu caajisay oo aan wax goolal ah la kala dhalin iyada oo waqtigii nasashada lagu kala baxay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Man City bilawday in ay abuurto fursado halis badan waxayna daqiiqadii 55 aad heshay fursad aad u fiican kadib markii Delph uu helay fursad fiican iyada oo Toure iyo  Iheanacho ay si fiican iskugu soo xidhmeen laakiin fursadan ayaan noqon mid uu Delph ka midho dhaliyay.

DAQIIQADII 56 AAD GOOOOOOOOOOL! Haddii daqiiqad ka hor uu fursad fiican gool ku dhalin waayay, Fabian Delph ayaa markan si qurux badan u dhamaystiray isla markaana Manchester City goolka furitaanka madax ugu dhaliyay, waxaana kubbad fiican dhinaca midig ka soo qaaday Navas waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Man City hogaanka ciyaarta kula wareegtay. Natiijada isku darka labada kulan ayaa noqotay 6:0 waxayna Man City sugaysay inta ay ciyaartu ka dhamaanayso.

Tababare Guardiola ayaa markan si rasmi ah xaqiijisay in natiijada ciyaarta la go’aamiyay wuxuuna ciyaarta ka saaray Jone Stones oo ay jamaahiirta kooxdiisa City isku sare tageen isaga oo fursad siiyay da’yarka Oluwatosin Adarabioyo.

DAQIIQADIHII 70,71,72 AAD HALIS WAYN!. Kooxda martida ahayd ee Steaua Bucharest ayaa heshay saddex fursadood oo xidhiidh ah waxayna u muuqatay in ay ugu danbayn heleen goolkooda furitaanka ee labada kulan laakiin labada fursadood ee hore hoolhaye Joe Hart ayaa iskugu muujiyay Guardiola halka fursada saddexaad oo ahayd mid goolka hortiisa lagu helay difaaca da’yarka ah ee  Maffeo uu dirqi ku daboolay.

DAQIIQADII 73 AAD Guardiola ayuu walwal soo foodsaaray kadib markii uu dhaawac muruqa ahi soo gaadhay da’yarka Kelechi Iheanacho kaas oo isaga oo kubbad baacsanaya uu dhawac xumi soo gaadhay wuxuuna Kelechi Iheanacho awoodi waayay in uu lugihiisa garoonka kaga baxo waxayna taasi keentay in garoonka sariir looga dhex qaado, waxaana daawayn kadib lagu soo badalay Fernando.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Man City guul ku gaadhay isla markaana ay si rasmi ah kaga mid noqotay 32 ka kooxood ee xili ciyaareedka cusub ka tartami doona Champions Leaque-ga, wuxuuna Guardiola si rasmi ah u bilaaban doonaa tartanka uu qof kastaaba jecel yahay ee UEFA Champions Leaque-ga.

w na m city

Comments

comments

SHARE