10 Xayawaan Ee Noolaha Adduunka Ugu Dheereeya Iyo Xawliga Ay Jaraan

Noolaha xayawaanka ah ee dunida Guudkeeda Rabbi ku abuuray waxa ay ku kala duwan yihiin arrimo badan oo dhinaca abuurka ah, tusaale ahaan waxa uu mid kastaa leeyahay khasaa’is iyo habab noloshiisa u gaar ah oo uu ku maareeyo, hannaanka uu cadawga isaga ilaasho ama quudkiisa ku raadsado. Xawliga orodka ahi waxa uu ka mid yahay astaamaha xayawaanada qaarkood nasiibka u heleen waxaana jira xayawaano aad u dheereeya marka aynu ka hadlayno dhinaca masaafada dheer ee ay ordaan. Qormadan kooban waxa aynu ku soo qaadan doonaa 10 xayawaan ee adduunka ugu orodka weyn ama ugu dheereeya waxaanau u kala orod badan yihiin sidan:

  1. Hamiramacadka (Cheetah): Harimacadka Duud galka ah waxa lagu tilmaamaa noolaha adduunka ugu dheereeya xagga orodka waxaanu saacaddii jaraa masaafo dhan 114km/hr. Noocca Harimacadkan ugu dheereeya waxa lagu sheegaa in uu ku nool yahay qaaradaha Afrika iyo Asia.
  2. Garanuugta Geesaha Leh: Garanuugta gaar ahaan teeda Bunniga ah ee Geesaha leh waxa lagu tilmaamaa in ay tahay xayawaanka labaad ee adduunka ugu dheereeya. Orodkeeda dheer waxa ay kaga baxsataa cadawga waxaanu ilaahay hibo u siiyay xawliga dheer ee ay ku orodo iyada oo waliba bootin raacisa marka ay ordayso. Saacadiiba waxa ay jartaa masaafo dhan 80km/hr.
  3. Dibi Dibadeedka: Dibiga Barriga ayaa loo yaqaan waxaanu ka mid yahay xayawaanada ugu orodka dheer noolaha adduunka ku nool. Dibigani waxa uu ku noolyahay dalalka Ameerika iyo Australia. Waa dibi dhuuban oo sidaa u kala jiidan miisaan fududna leh, waxa uu saacaddii ku orda 80km/hr.
  4. Libaaxa: Libaaxu waxa uu soo galay Kaalinta Afraad gaar ahaan Goosha ama kiisa dheddig. Libaaxa dheddig waxa uu saacaddii ku ordaa masaafo dhan 79km, noocyadiisa ugu dheeraayaa waxa ay ku noolyihiin Qaaradaha Afrika, Asia, Australia iyo Bariga Europe.
  5. Garanuugta Sabringbuk: Waa nooc ka mid ah Garanuugta oo ku nool Australia iyo Maraykanka. Waxa ay saacaddii ku oroddaa 78km/hr.
  6. Faraska Maraykanka: waa Mid ka mid ah Fardaha oo ku nool wadanka Maraykanka. Faraskani waxa uu ku jiraa kaalinta lixaad ee kala dheeraynta xayawaanka dhinaca orodka waxaanu saacadii ku ordi karaa 76km/hr.
  7. Garanuugta Thompson: Waa nooc ka mid ah bahda Garanuugta oo lagu magacaabo Thompson waxa ay saacaddii ku ordi kartaa 75km/hr.
  8. Deerada Cad: Waa Nooc ka mid ah Deerada oo midabkeedu caddaan yahay waxa ay safka hore kaga jirtaa xayawaanada adduunka guudkiisa ugu dheereeya. Waxa ay saacaddii ku ordi kartaa 72km/hr.
  9. Geizta: Waa Xayawaan aan dalkeena ku noolayn. Waxa laga helaa kaymaha Laatin Amerika iyo qaaradda Australia waxa uu saacaddii ku ordi karaa 71km/hr.
  10. Bakaylaha Bunniga ah: Waa Bakayle ku nool qaaradaha Asia, Afrika, Europe iyo America. Waa bakaylaha dalkeena Somaliland ku nool. Waxa uu kaalinta tobnaad kaga jiraa xayawaanada adduunka ugu dheereeya. Bakaylaha Midabkisu Bunniga yahay waxa uu saacaddii ku ordi karaa 70km/hr.

Comments

comments

SHARE