Somaliland: “Maalin Walba Maxkmaddaha Waxa Soo Gaadhaya Shaqaale Ka Cabanaya Siday Hay’addihii Ay Ka Shaqaynayeen Uga Joojiyeen Shaqada” Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Somaliland: ‘Unemployment Causes Youth Engagement in Illegal Criminal Activities’ Chief Justice
Somaliland: ‘Unemployment Causes Youth Engagement in Illegal Criminal Activities’ Chief Justice

Hargeysa (Wargane)-Guddoomiyaha Maxakamadda sare Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sharaxay caqabado ku gadaaman shaqaalaha Somaliland. waxa uu sheegay in shaqaalaha Somaliland kuwa dawladda u shaqeeya iyo kuwa gaarka ahba la daris yihiin caddaalad darro shaqada lagaga caydhiyo, sidoo kalena lagu tacadiyo xuquuqdooda. Waxa uu hay’adda shaqaalaha iyo laamaha kale ee shaqo abuurka iyo shaqaalaha ku lug leh ku boorriyay in shaqaalaha loo kuur galo sidoo kalena la sameeyo siyaasad qaran oo shaqo abuur.

Guddoomiyaha oo shalay hadal ka jeedinayay munaasibad guddoomiyaha cusub ee hay’adda shaqaaluhu kula wareegayay xilka hay’adaasi wuxuu sheegay inaanay shaqaaluhu markay shaqada galayaan oo kaliya la kulmin caddaalad darro balse marar badan si sharciga baalmarsan looga joojiyo shaqada “ Caqabadaha aad la kulmi doonto waxaa ka mid ah maaha marka la shaqaalaysiinayo uun ee waa in la ilaaliyo shaqaalaha sida shaqada looga eryo ee nidaamka looga saarayo. Maalin walba maxakamaddaha waxa soo gaadhaya shaqaale ka cabanaya siday hay’addihii ay ka shaqaynayeen uga joojiyeen shaqada,” ayuu yidhi guddoomiyaha maxakamadda sare.

Waxa uu sheegay in shaqaalaha dawladdu maraan nidaamka hay’adda shaqaalaha, halka shaqaalaha meheradaha gaarka loo leeyahay ka shaqeeyana maraan wasaaradda shaqaalaha, balse labadaba ay ka jiraan caqabado “ Labadaba caqabad baa ka jirto, sababtoo ah nidaam aan caddaalad ahayn baa la maraa, waxayna maxakamaddaha soo gaadhaan goor dambe. Arrintaasi waa mid u baahan in dib u habayn xoog leh lagu sameeyo, waana mid aynu ka wada shaqayn doono, sababtoo ah qofku markuu shaqada galayo iyo marka laga eryayaba waa inuu maro siistam sax ah,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha maxakamadda sare mudane Aadan Xaaji Cali, wuxuu sidoo kale sharaxay jawaabta su’aasha ah yaa shaqada bixiya?, isagoo tilmaamay in arrintaasi ka toox weyn tahay dawladda “Dalkeena shaqo la’aan baa ka jirto, adduunyada shaqada ma bixiyo qaranku, dawladda looma shaqo tago laakiin, dawladdu waxay samaysaa jawigii shaqo abuurka. Shaqada ugu badan waxa bixiya shirkaddaha gaarka loo leeyahay.Aduunyada dawladda waa la neceb yahay oo looma shaqo tago, shaqada ugu badana ma bixiyaan ee shirkaddo waaweyn ayaa loo shaqo tagaa.Masuuliyadda dawladdu waa inay abuurto bii’addii shaqada oo shirkadduhu macaashaan, shaqo abuur badan sameeyaan laakiin, adduunyada ma jirto qaran kaliya oo muwaadiniinta oo dhan shaqo siiya, taas lama awoodi karo, kharashna looma heli karo,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “ Waxaan doonayaa inaan tilmaamo, inaynu fahanno haddaynu reer Somaliland nahay inaan dadkoo dhammi dawladda u shaqo tagi Karin laakiin, dawladda waxaa waajib ku ah inay abuurto bii’adii shaqo ku dhalan lahayd ee shirkaddaha gaarka loo leeyahay ku shaqaysan lahaayeen oo la jiheeyo.”

Waxa uu hay’adda shaqaalaha, wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo hay’addaha kale ee shaqo abuurka ee wasaaradda maaliyaddu ka mid tahay inay sameeyaan siyaasad iyo qorshe qaran oo shaqo abuur “ Waxa weeye in la curiyo qorshe qaran oo shaqo abuuriseed, oo ay dhammaan hay’addaha qaranka ku hoos jira oo dhammi shaqada bixiyaan sida shirkaddaha gaarka ah, iskuullada waayo dawladdu ma deeqayso, hadda dawladda 15 kun oo qof baa u shaqeeya ee maxay yihiin 15 kun oo qof, markaa waa in lala yimaaddo siyaasaddii qaranka ee shaqada. Waddankeena shaqo la’aanta ayaa ku badan, xagga dhalinyarada ha u sii badnaatee, waxaa inagu bilaamay dambiyada dhalinyaradu gasho ee gaangiista ah, way sii kordhayaan, waxaa jira niyad jab badan oo dadka ah, markaa waxa loo baahan yahay qorshihii shaqada ee qaran in inta la qoro la hirgaliyo, boqolkiiba sideetana waxa shaqadaas laga raadinayaa shaqooyinka gaarka ah,” ayuu yidhi guddoomiye Aadan Xaaji Cali.

Warganenews.com

Comments

comments

SHARE