Somaliland: Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo La Sheegay Inuu Faraha Ka Qaadi Doono Xisbiga UCID Haddii Lagaga Guulaysto Dacwadda Maxkamadda Sare.

235

Ilo Xog-ogaal Ah Oo Ku Dhaw Guddoomiyaha UCID Ayaa Xaqiijiyey Inuu Dalka Isaga Dhoofi Doono Haddii Lagaga Guulaysto Dacwadda Uu Maxkamadda Sare Geeyey

Hargeysa (Wargane)-Sida ay xaqiijinayaan ilo xog ogaal ah oo aad ugu dhuun daloola guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegaya inuu guddoomiyuhu qorsheeyey inuu ka tanaanuslo sii hogaaminta xisbiga haddii dacwadda uu Maxkamadda sare geeyey lagaga guulaysto.

Faysal Cali Waraabe ayaa muddo sannad ku dhaw waxa uu muran sharci kula jiray Murashaxa xisbiga Jamaal Cali Xuseen taasoo in badan la isku dayay in qaab beelaysan loo xalliyo balse dhamaantood isku dayadaasi waxay ku soo dhamaadeen natiijo la’aan iyo inuu Faysal ka muquurto balamihii loo qabtay, ugu dambayna wuxuu ku gacan saydhay wax dhex-dhexaadin ah oo la dhex dhigo isaga iyo Jamaal Cali Xuseen.

Intaas kadib garabkii uu hogaaminayay Jamaal Cali Xuseen oo ay qayb ka ahaayeen, guddoomiye kuxigeenka saddexaad ee xisbiga, guddoomiyaha Golaha dhexe, qaar ka mid ah xoghayayaasha iyo guddoomiyayaasha gobolada qaarkood, ayaa dacwad rasmi ah u gudbiyey guddiga diiwaangalinta ururada, waxaana ay guddigani dhagaysteen dacwaddii labada dhinac kadib muddo laba bilood ah oo ay ku maqnaayeen gorfaynta doodaha labada dhinac ayaa ay ugu dambayn guddigu soo saareen go’aamo dhawr ah oo badankooda loo arkayay in loogu hiiliyey garabkii Jamaal Cali Xuseen.

Faysal Cali Waraabe oo aan ku qancin qaabka ay guddidu uga garnaqday khilaafkii xisbiga ayaa sheegay inuu rafcaan ka qaatay isla markaana waxa uu dacwadiisa u gudbiyey maxkamadda sare ee dalka. Hadaba warar aad loogu kalsoon yahay ayaa shaaca ka qaaday inuu Faysal Cali Waraabe ku talo jiro inuu dalka isaga iskaga dhoofo haddii dacwadan lagaga guulaysto, isagoo waliba intaas ku daray inuu siyaasadda ka gaabsan doono waa sida ay wararku sheegayaane.

Haddii uu Faysal Cali Waraabe ka dhabeeyo go’aankaas waxa ay noqon doontaa garwaaqisigii ugu waynaa ee uu Faysal sameeyo mudadii uu ku guda jiray khilaafyada xisbigiisa oo tiraba saddex jeer dhacay.

Comments

comments