Hargaysa (Wargane News) Waxa maanta Xilkii la wareegay Agaasimihii Ugu Da’da Yaraa ee iskuu shaandhayntii u dambaysay ee madax-weyne siillaanyo uu sameeyey, Waxaanay rajo weyn Gelinaysaa Dhalinyarta in iyaguna ay doorkooga ka ciyaaraan ama ka qayb-qaataan Siyaasada JSl.
Waxa ay rajo Iyo Hami Galinaysaa Kumanaan dhalinyaro ah Oo Hore uga caban jirey in aan loo ogolayn in ay ka qayb-qaataan siyaasada, Dawladdan Uu madax Weyne Siillaanyo hogaaminayo waxa ka mid ahaa Balan-qaad-yadii ay samaysay wakhtigii ay olelaha ku jireen in ay dhalinyarta siin doonaan fursad ay kaga qayb-qaataan Siyaasada dalka.
Maanta Waxaa Xilkii la wareegay Agaasimiha Guud Ee Wasaarada Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Mudane Fu’ad Cabdi Salaan Oo Ah Agaasimihii Ugu Da’da Yaraa Waxaanu kala Wareegay Agaasimihii hore Ee Wasaarada Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda JSl Maxamed Cilmi Aden (Ilkacase) .
Agaasimaha Cusub Ee Wasaarada Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Mudane Fu’ad Cabdi Salaan Waxa ka mid ah Hadaladiisii ” Waxaan Filayaa In ay fursad ama jaanis u tahay dhalinyarta reer somaliland ama bar bilaw u ah halka ay jaran jarada ka gaadhi lahaayeen hogaanka dalka halka ugu saraysa, Guud ahaan shaqaalaha wasaarada waxa iga go’an in aan kula shaqeeyo si cadaalad ah Xidhiidh dhawna aan la yeesho wasiirka iyo wasiirk ku xigeenkana in ay shaqadayadu noqoto mid togan oo jaran jarteeda loo maro, inkasta oo xirfadaydu ahayd mid caafimaad oo aan imbadan ku shaqaynayey, hadana hawshan kalluunka waxa aan ka taaganah halka uu ka taagnaa abwaankii xuseen cartan”

Comments

comments

SHARE