Fiidyow Shaki Gelinaya Xaaladda Caafimaad Ee Hillary Clinton Ayaa Dad Badan Oo Maraykan Ah Dareen Geliyey

Waxaa maalmihii u dambeeyey lagu arkayey warbaahinta reer galbeedka gaar ahaan kuwa la dhacsan siyaasadaha xisbiga jamhuuriga ah ee dalka Maraykanka cajalad fiidyow ah oo muujinaya murashaxadda madaxweynenimada Maraykanka ee xisbiga Dimuqraaddiga Hillary Clinton oo ku kacaysa xarakaad yaab leh oo qof kasta oo arka shaki ka gelinaysa  caafimaadkeeda.

Fiidyowgan waxaa Hillary Clinton laga duubay xilli ay la hadlaysay koox wariyeyaal ah, waxa aana mar keliya la arkay iyada oo madaxu si u muuqata in uu kaantaroolkeeda ka baxay u lulmayo oo hadba dhan isu dhufanayo cabbaar indhahana ay isku hayso, illaa aakhirkii laga go’ay oo ay dhoolla caddaysay.

Muuqaalkan oo laga arkayo sida ay dadka ka agdhowaa oo dhami ula yaabban yihiin ee ay u eegayaan ayaa waxa ay dad badani ka qaateen dareen ah in ay qabto cudur khatarah. Ma’aha markii ugu horreysay ee Hillary Clinton lagu arko arrin dood gelisa caafimaadkeeda, waxa aana weli la xasuusan yahay horraantii bishii Ogost markii la arkay iyada oo sallaan fooq si dhib badani ka muuqato ku koraysa laba ninna ay garba taagan yihiin oo ay caawinayaan, in kata oo mar dambe la sheegay in ay ahayd mar ay haweenaydan 68 jirka ahi lug ka murkacatay, taasina ay ahayd sababta keentay in la caawiyo marka ay sallaankan koraysay ee aanay sabab dhinaca caafimaadka ah. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Alcarabiya ayaa in xilligii doorashada xisbigeeda dhexdiisa ay Hillary ku jirtay, ay soo baxday dooddan la xidhiidha xaaladdeeda caafimaad, gaar ahaan markii khudbaddii ay jeedisay ay ka wadi kari wayday qufac joogto ahaa.

Comments

comments

SHARE