Chelsea Oo Stamford Bridge Ku Garaacday Kooxda Bristo Rovers, Michy Batshuayi Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Blues Oo Iska Xaadirisay Wareega Saddexaad Ee Leaque Cupka.

Chelsea ayaa Stamford Bridge ku garaacday kooxda Bristol Rovers kulan shan gool layska dhaliyay isla markaana ay Blues ku si cidhiidhi ah dhinac iskaga dhigtay Bristol Robers. Chelsea ayaa guushan ku gaadhay 3:2 iyada oo kooxda martida ahayd ee Bristol ay qaybtii danbe si wayn u raadinaysay goolka barbaraha laakiin kooxda Antonio Conte ayaa awooday in ay natiijada ilaashato.

Waxaa Blues guushan u horseeday saxiixa cusub ee  Michy Batshuayi oo laba gool dhaliyay qaybtii hore ee kulankan halka Victor Moses uu goolka kale raacsaday isla qaybtii hore ee kulankan laakiin Bristol ayaa qaybta danbe heshay rekoodhe rajadooda soo celiyay balse waxay awoodi waayeen in ay la yimaadaan goolka barbaraha. Chelsea ayaa u soo baxday wareega saddexaad ee Leaque Cupka.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Chelsea: Begovic, Aina, Cahill, Ivanovic (c), Azpilicueta, Pedro, Fabregas, Matic, Moses, Loftus-Cheek, Batshuayi.

Kaydka: Courtois, Terry, Chalobah, Oscar, Hazard, Solanke, Diego Costa

Bristol Rovers: Mildenhall, Brown, Hartley, Lockyer, Leadbitter, O Clarke, Sinclair, James, Lines, Bodin, Harrison

Subs: Puddy, Easter, Clarke, Montano, Broom, Taylor, Gaffney

Chelsea ayaa ciyaarta ku bilaabatay qaab ciyaareed aad u fiican waxayna markiiba abuuraysay fursado fiican oo ay goolal ku dhalin kartay waxyna culays badan saartay kooxda martida u ahayd ee Bristol Rovers inkasta oo ay Bristol lafteedu raadinaysay qaabkii ay Chelsea ugaga yaabsan lahayd Stamford Bridge.

DAQIIQADII 29 AAD GOOOOOOOL! Chelsea ayaa ugu danbayn fursad abuuristeeda gool u badashay waxaana goolka furitaanka u dhaliyay saxiixa cusub ee Michy Batshuayi kaas oo goolka furitaanka Blues ugu dhaliyay kubbad uu caawinteeda sameeyay Nemanja Matić, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Blues hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Kadib markii uu kulankiisii ugu horeeyay ee rasmi ah uu goolkiisii ugu horeeyay ku dhaliyay a yuu markale Michy Batshuayi goolkiisii ugu horeeyay ku dhaliyay Stamford Bridge isaga oo waliba goolkan dhaliyay kulankiisii ugu horeeyay ee rasmi ah oo uu ku soo bilawdo shaxda Antonio Conte.

DAQIIQADII 31 AAD GOOOOOOL! Chelsea ayaan waqti badan iskaga lumin in ay hesho goolkeeda labaad waxaana laba daqiiqado kadib goolkan u saxiixay Victor Moses kaas oo markiisa ka faa’iideeyay kubbad uu caawinteeda lahaa difaaca  César Azpilicueta, waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Blues si deg deg ah kula timid goolka labaad ee kalsoonida.

DAQIIQADII 35 AAD GOOOOL! Kooxda martida ahayd ee Bristol ayaa heshay goolkeeda furitaanka waxaana goolkan u saxiixay  Peter Hartley kaas oo goolkan ku dhaliyay kubbad uu ka helay  Chris Lines wuxuuna ciyaarta 2:1 ay Chelsea wali hogaanka ciyaarta ku hayso, wuxuuna goolkan soo nooleeyay rajadii kooxdan.

DAQIIQADIII 41 AAD GOOOOOOOOL!. Chelsea ayaa soo ceshatay hogaankii labada gool ahaa waxaana markale goolka saddexad Blues u saxiixay Michy Batshuayi kaas oo kooxdiisa ka caawiyay in ay maamulka ciyaarta sii hayso wuxuuna markan goolka ku dhaliyay kubbad uu caawinteeda sameeyay Ruben Loftus-Cheek, waxayna ciyaartu noqotay 3:1 ay Blues hogaanka ku sii dheraysatay, qaybta hore ee ciyaarta ayaana sidaa loogu kala nastay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay kooxda Bristol wacdaro cusub la soo baxday waxayna markiiba raadisay qaabkii ciyaarta dib ugu soo laaban lahayd. Daqiiqadii 48 aad Pedro ayaa qalad xun ku galay Sinclair wuxuuna garsooruhu tilmaamay rekoodhe aan muran lahayn.

DAQIIQADII 49 AAD GOOOOL! Kooxda marti ahayd ee Bristol ayaa markale soo yaraysay farqigii goolasha ee hogaanka looga hayay waxaana goolkeeda labaad rekoodhe ugu dhaliyay Ellis Harrison kaas oo ciyaarta ka dhigay 3:2 ay wali Chelsea hogaanka ku hayso. Laakiin goolkan ayaa Chelsea walwal u keenay halka uu sare u soo qaaday hamigii kooxda Bristol.

Ilaa dhamaadkii ciyaarta Chelsea ayaa wadnaha farta ugu haysay in kooxda martida ahi ay la iman karta goolka barbaraha isla markaana ay xaaladu ku xumaan karto laakiin waxay awoodeen in ay si adag u difaacdaan isla markaana ay ciyaarta ku dhameeyeen natiijada ay guusha ugu taagnaayeen waxayna guu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 3:2 ay Blues guul ku gaadhay isla markaana ay ugu soo baxday wareega saddexaad ee leaque Cupka.

waka che chelse

Comments

comments

SHARE