Hargeysa-Somaliland (Wargane):- Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa Sharraxaad dheeraad ah ka bixiyey Caqabado kala duwan oo uu sheegay inay sal u yihiin aqoonsi la’aanta Somaliland iyo weliba Saxeexa ay Codsiga saxeexeen Hal Milyan, Koow iyo Labaatan Kun oo Qof oo reer Somaliland ah, kaasoo ay ku dalbanayaan Aqoonsi ay Beesha Caalamku siiso.

Wasiir Sacad oo hadal dheer ka jeediyey Xaflad lagu qabtay Hargeysa oo lagu soo bandhigay Shalay Saxeexa Dadkaas Halka Milyan ka badan, waxa uu sheegay in ay hawshaas u mareen qaabka caalamiga ah ee lagu sameeyo Codsiyada noocan oo kale ah, isla markaana inkasta oo aan Dadkaas madasha la isugu keenin lagu soo bandhigay Magacyadooda iyo Saxeexyadooda, waxa uu ka sheegay in la samaynayo Sanduuq Dhaqaale oo u gaar ah Aqoonsi-raadinta, isla markaana ay ka wada-qayb qaadan doonaan Ganacsatada, Shacabka kale iyo dowladduba, isagoo xusay in caqabada badan ee hortaan aqoonsi ay Somaliland hesho ka mid tahay inaan la maal-gelin ictiraaf-raadinta.

“Waxa nala weydiiyaa haddii dadka reer Somaliland laga qaaday Afti rasmi ah 2001-dii, maxaa afti kale uga qaadaysaan? Markaa, su’aashu waxa weeye ma afti baannu qaadnay? Maya, kani afti maaha. Kani afti maaha, ee waa Codsi. Aftidu waa Su’aal ah fikirkaa ma qabtaa jawaabteeduna tahay haa iyo maya. Codsigu laakiin su’aal kuma salaysna ee waa codsi.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda oo ay Wasaaraddiisu muddo afar bilood ah soo wadday hawshan saxeexa dadka.

Wasiir Sacad oo ka hadlaya Dalabka Dadkaas Halka Milyan ka badan, waxa uu yidhi; “Codsiga ay dadku soo saxeexeen waakan oo waxaa ku qoran:- ‘Annagoo ah dadka hoos ku saxeexan waxaannu halkan ku taageeraynaa Aqoonsiga Somaliland:- ujeeddada Codsigu waxa weeye, inay dadku dareenkooda iyo shucuurtooda muujiyaan halka ay ka taagan yihiin aqoonsiga Somaliland. Waa farriin ay reer Somaliland Caalamka u dirayaan oo ay leeyihiin aqoonsiga iyo gooni-isu-taagga Somaliland maaha wax in yar oo siyaasiyiin ahi wadato ee waa Qaddiyad Qaran. Ujeeddada kale lafteedu waxa weeye in dadka reer Somaliland farriin u diraan dowladda Soomaaliya, farriintaas oo ah Somaliland sooma socoto, kala go’eennu waa rasmi, inaynu noqonno laba waddan oo walaalo ah oo ku jaara Geeska Afrika sida waddama kale.”

Dr. Sacad oo sharraxaya qaarr ka mid ah Su’aalaha Aqoonsiga laga weydiiyo dowlad ahaan, waxa uu yidhi; “Mararka qaarkood wa nala waydiiyaa; hadday dadku sidaa raalli ugu yihiin Ictiraafka iyo gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland 25-kaa sano maxaa la idiin ictiraafi la’yahay? Su’aashaa jawaabteedu waxay noqonaysaa, waxaa weli jira faham la’aan caalamka kaga jira qaddiyadda Somaliland. Waxaad mooddaa caalamku weli inaanay fahmin ama aynaan fahansiin inay Somaliland ahayd waddan jira oo xor ah oo iyadoon cidina aanay khasbaynin waddan kale ay wax wada yeesheen oo isku darsadeen, immikana iskii uga noqday. Somaliland maaha gobol waddan ka go’aya, gobol iyo dowlad waddan kale ka tirsanna maaha.”

“Waxa kale oo sababaha ka mid ah caalamka laftiisu inaanay fahansayn halka dadka reer Somaliland ay ka taagan yihiin qadiyadda gooni-isu-taagga, waxa mararka qaarkoood la yidhaahdaa in yar oo Siyaasiyiin ah ayuun baa ku danaysanaysa oo wadata, maaha! Waxaa u markhaati ah Codsigaa maanta halkayn aynu ku hayno ee Halka Milyan iyo Koow iyo Labaatanka Kun ee Qof ay soo saxeexeen, isagoon weliba la gaadhin cid walba.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Wasiirka arrimaha dibeddu waxa uu sheegay in caqabadaha aqoonsi la’aanta ay ka mid yihiin wanaagga Somaliland, waxaanu yidhi; “Arrinka kale ee jiraa waxa weeye had iyo jeer caalamku wuxuu u dheg-taagaa meesha mishkiladi ka jirto. Somaliland waa waddan deggan oo xasilloon oo dowlad, nidaam iyo dimuquraaddiyad leh, dadku wanaagga inta badan ma arkaan oo uma dhego-nugla. Wanaaggeenna ayaa ka mid ah Sababaha weli aynaan u helin Ictiraafka, laakiin wanaaggeenna u baabbiin mayno si aynu u Dhegta iyo Indhaha dhegaha Caalamka.”

Wasiirka arrimaha dibeddu waxa uu sheegay inay jiraan aragtiyo la qabo oo la xidhiidha haddii Somaliland la aqoonsado waxa kala googgo’aysa Afrika iyo inay adkaanayso xal u helidda mishaakilaadka ka taagan Soomaaliya. Hase-yeeshee, waxa uu ku dooday inaanay aragtiyahaasi ahayn kuwo dhinaca wanaagsan laga eegay, ee ay yihiin kuwo xaqiiqada ka fog, isla markaana wanaag ay Somaliland u kordhiso Soomaaliya iyo Geeska Afrika mooyee dhib ay ku kordhinaysaa jirin, waxaanu yidhi; “Aqoonsiga Somaliland wuxuu soo dhawaynayayaa degganaansha, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya iyo Geeska Afrika.”

“25-ka sannadood ee ay Somaliland gooni u taagnayd waxaan wanaag ahayn kumay soo kordhin gobolka iyo Geeska Afrika, tusaale wanaagsan baynu ahayn, kiis Maxkamad la geeyey iyo cid innaga cabanaysaa midna ma jirto 25-kaa sano, haddii la inna ictiraafana wanaaggeennu intaa way ka sii badnaan lahaa, saamayntiisuna way ka sii badan lahayd. Waxaa jira waddamo badan oo innala jecel in la ictiraafo, laakiin mararka qaarkood ka baqaaya maxaa lagu odhan doonaa? Isticmaarkii baad soo celisay baa lagu odhan doonaa, waddan xoog leh oo awood wax ku burburinaya ayaad tahay baa lagu odhan doonaa. Laakiin, hadduu waddan taageero wax xaq ah waxaan wanaag ahayn.” Soda ayuu ku dooray Wasiirku.

Wasiir Sacad oo sii sharraxaya caqabadaha aqoonsi la’aanta salka u ah, waxa uu intaa ku sii daray oo yidhi; “Haddaynu nahay Somaliland Aqoonsiga iyo Ictiraafka maynaan maal-gashan, ictiraafku waa shay qaaliya, innagana waxa la innooga baahan yahay inaynu maalgashanno oo qiimaynta iyo mudnaanta uu leeyahay aynu siinno. Innagoo ka shiidaal qaadanayna Codsigan Maanta inaynu caalamka meel kasta oo aynu ka joogno codsigan codsi la mid ah ay Qurbo-jooggeenna iyo Saaxiibbadood ka sameeyaan. Waxaynu u baahannahay inaynu abuurno Sanduuqa Ictiraafka, oo dadweyne iyo dowlad-ba aynu kaga qaybgalno oo Ganacsatada, dadweynaha iyo Qurbo jooggu ka qaygalaan, Miisaaniyadda lafteeda ugu yaraan Boqolkiiba Shan illaa Boqolkiiba Toban in loo qoondeeyo qadiyadda Ictiraafka…”

“Codsigan ay soo saxeexeen inta ka badan Halka Milyan ee Qof inaanu qolkan uun ku ekaannin ee aynu caalamka gaadhsiinno, Qaramada Midoobay gaadhsiinno, Midawga Afrika, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Midawga Yurub iyo waddan kasta waa inaynu gaadhsiinno oo caalamku dareemo halkay dadkeennu ka taagan yihiin qaddiyadda gooni-isu-taagga iyo Ictiraafka, Caalamkana waxaan ka codsanaynaa inay tix-geliyaan Codsiga Dadka. Waxaanan uga digaynaa inay dhabarka innoo soo jeediyaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Comments

comments