India: Nin Hindi Ah Oo Calooshiisa Laga Soo Saaray 40 Mindiyo Uu Liqay

Hargeysa{Wargane} Nin Hindi ah ayaa labo bilood muda ah mindiyo liqiya iyadoo 40 iyaga ka mid ah qalliin looga soo saaray calooshiisa, sida uu sheegay dhakhtarka hogaaminayay hawlgalka qaliinka “Waxa uu gaajo u qabay inuu laqo biraha.

Xataa anaga dhakhaatiirta qalliinka khibrada leh, waxay noo ahayd cabsi,” ayuu u sheegay warbaahinta CNN Dr Jatinder Malhotra. “aad ayaan u cabsaneenay … qalad yar ayaa nolosha bukaanka khatar galin karta .

20 sano oo aan shaqadan ku jiray , weligay ma aan arag wax sidaas oo kale .” Malhotra ayaa sheegay in ay ku qaadatay kooxda laba maalmood si ay u sameeyaan qorshaha ogaanshaha iyo qalliinka qalliin oo shan saac qaatay Jimcihii magaalada waqooyiga Hindiya ee Amritsar, magaalo Sikha uu dego ee gobalka Punjab.

Malhotra ayaa sheegay in ay heleen mindiyo isku laaban-, taas oo markii la fidiyo dheerkooda yahay toddoba inches. bukaanka ayaa sheegay inuu liqay mindiyo qaar ka mid ah oo isku laaban, iyo qaar fidsan markan mindiyaha soo saarnay qaarba laabna qaarna way fidsanaayeen iyo qaar ka mid ah ayaa xitaa bilaabay iney miriraan oo yara jajabeen,” ayuu yiri Malhotra.

Laakiin su’aasha weyn ayaa weli ah – maxaa keenay inuu ninkaan cuno mindiyo?

“Ma garanayo sababta aan u liqi jiray mindiyaha ayuu bukaanka u sheegay CNN. “Waxaan kaliya ku riyaaqay dhadhanka waana I qaban jirtay sidi balwada … sida dadku u caadaysatay khamriga iyo waxyaabo kale, ayay xaaladdeeyda la mid ahayd ayuu yiri.”

Malhotra ayaa aaminsan in bukaanku uu qabo cudur dhanka maskaxda kaasoo u baahan in caafimaadkiisa lala socdo.

Comments

comments

SHARE