Somaliland: Siyaasigga Cali-Guray Oo Ka Hadlay Xil-ka-Qaadistii Cali Xoor-Xoor,Xukuumaddana Baaq U Jeediyay.

Mar hadaan ka gabyay go’aygiiba ka qaatay maxaa iiga gidhiish ah ayuu yidhi Cali oon ceebi ka raacin. Bal aan eegno inay Dekedda Berberi ka raysato Cali iyo inay u darsato. Bedelka Cali wuxu ku yimi ismaandhaafkii muuqday ee ku saabsanaa Heshiiskii Maalgashiga DP World ee u dhexeeyay Cali iyo madaxdiisa uga sareeysay hawsha siiba Madaxtooyada iyo intii kale ee ku lug lahayd ee xukuumadda ka tirsanayd oo looga fadhiyo isbedel la taaban karo oo ku wajahan horumarinta iyo kor u qaadista heerka awooda Dekedda Berbera.
Xukuumadda heshiiska ku gashay magaca shacbiga Somaliland ee sida hilaacana ku marisay Aqalka Wakiilada waxan leeyahay HAATUU BURHAANAKUM IN KUBTUM SAADIQIIN. AFAR KUB OO LABA XAAD LEEDAHAY YAA BERI LA IDINKA WAAYIN

Cali Guray

Comments

comments

SHARE