Somaliland: Madaxwayne Siilaanyo Maka Gudbi Doonaa Go,aamada Adag Ee Xiligan Horyaala Iyo Isbarbar Dhiga Wasiir Maxamuud & Xirsi Ee Xusuusta Marxaladaha Uu Midkastaa kala Dabaasho Wakhti Xileedkiisa!!

FAALO; Madaxwayne Siilaanyo Shacabkii Soo Doortay Ma kaga Tagi Doonaa Golaha Wakiilada Ee Mudada 12 sano ah kuraasta Ku fadhiyay +Milicsiga Go,aankii Uu ka Qaatay Madaxwayne Daahir Riyaale .

HARGAYSA(Wargane) Madaxwaynaha jamahuuriyada somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo mudo xiligeedkiisii xiligan gabaabsi yahay, isla markaana waqtigan aan murashax ahayn,  siyaasadana  kusoo jiray mudo ka badan 40 sano lana filayo in uu ku sii sagootiyo go,aamo dhaxal gala  taasi oo ay bulsho waynta reer somaliland u dhag taagayaan  hadba sida uu uga dabaasho marxaladaha adag ee xiligan horyaala.

Hadaba warbixintan ayaynu ku eegi doonaa sooyaalka taariikheed  ee Somaliland  kaga soo gudubtay xaalado badan oo la soo darsay

Go,aamada xasaasiga ah ee xiligan taagan  ayaa ah sidii loo suurto galin lahaa doorashadii madaxwaynaha iyo ta golaha wakiilada oo labaduba ay isasaaran yihiin waqtigan.

Sidoo kale ay hadhaysay khilaafka xaga saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ah oo doodaheedu noqdeen mid beelaha somaliland mida doonayaan in ay hesho waxa ay u aragto in uu yahay ka ay xaqa u leeyihiin,

inaga oo ka duulayna  marxaladahan iyo sidii ay uga soo gudbeen madaxwayneyaashii ka horeeyay siilaanyo amaba go,aankii geesinimada lahaa ee uu xiligiisii ka qaatay madaxwayne Daahir Riyaale oo ahaa mid hogaamineed balse aan ahayn go,aan sharci kaas oo ah ka maanta looga fadhiyo madaxweyne Silaanyo.

Sidoo kale saami qaybsiga golaha wakiilada ee 82 mudane ayaa ah mid lagu saleeyay saami qaybsigii 1960kii 32 mudane ee xiligaa jiray iyo xuduudihii deegaanada somaliland mid degmo ilaa heer gobol oo ah sidii uu guumaystaha Ingiriisku ku saleeyay dhulka somaliland.

Marka aynu ku noqono ga,aankii madaxwayne Daahir Riyaale ka qaatay xiligiisii iyo doorashadii golaha wakilada ee 2005 taasi oo uu ku suurto galiyay in ay qabsoonto doorasho go,aan adag oo uu qaatay, kaasi oo xiligaa ay tabasho tan maanta lamid ahi kasoo yeedhaysay beelaha darifyada, halka uu beeshiisana ku qanciyay maadama uu talada dalka gacanta ku hayo in ay qaataan awaamiirtaa uu u arkay in lagu badbaadin karo geedi socodka hanaanka doorashooyinka iyo axsaabta badan oo xiligaa ahaa mid soomalilaand ka hano qaadkeedu yahay mid bilow ah beesha caalamkuna ay il gaara ku eegaysay hadba jidka ay qaado somaliland,

Dhanka kale madaxwayne Siilaanyo ayaa mudadii uu xilkag hayay ay u suurto gashay in uu qabto doorashooyinkii golayaasha deegaanka iyo fiditaanka Ururada siyaasada taasi oo xaalad kasta oo hadheeysay noqotay aakhirkii mid uu ku guulaystay

halka uu murano iyo isqabqabsiyo badan oo ay keentay doorashadii golaha deeganku uu kaga gudbay waayo aragnimo,sidoo kale dadka siyaasada falanqeeya ayaa tilmaamay in dhamaan marxaladahaasi uu madaxwayne siilaanyo kasoo gudbay uu doorwayn ku lahaa wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali xaaji Xasan  oo lagu tilmaamay in uu ahaa masuul ka badheedhay go,aan adagna kala soo qaatay madaxwaynaha arimo badan oo ay kamid tahay

1, Furitaankii Ururada siyaasada iyo axsaabta badan.

2, doorashooyinkii golayaasha deegaanka .

3, Go,aanadii adkaa ee xaga horumarka sida dhismaha wadada ceergaabo oo lagu xusuusto in wasiir xirsi xiligaa ahaa masuulka kaliya ee ku dhiiraday in labilaabo dhismaha wadadan ceerigaabo oo ah mid aad u dheer badi shacabk u haysteen riyo siyaasadeed aakhirkiina rumoobay.

Dhacdooyinkaa iyo kuwo kale oo taariikhda galay ayaa gabi ahaanba madaxwayne Siilaanyo si waayo aragnimo leh kaga soo gudbay mudadan wasiir xirsi gacan yaraha u ahaa.

Sikastaba oo ay tahay madaxwayne siilaanyo ayaa waxaa xiligan horyaala go,aamadaa adag ee aan kor kusoo xusnay,waxa kale oo xusid mudan xiligan uu wasiirka madaxtooyada u yahay Maxamuud Xaashi oo mudadii uu xilkan hayay isku dayay in uu soo xero galiyo beelaha Dhulma hante kana qaybgalay shirar badan oo la odhan karo badi waxay ku dhamaadeen guul iyo waxgarad badani u soo holadeen dhinaca dawlada somaliand,

waxaase  shacabka somaliand xiligan u dhagtaagayaan wasiir Maxamuud sida uu madaxwayne Siilaanyo ugala dabaasho go,aamada adag ee xiligan horyaala oo saldhig u noqon doonta  sagootiga siyaasada madaxwayne siilaanyo oo xiligan xilka ka dagaya

Sidoo kale madaxwayne siilaanyo shacabkii soo doortay makaga tagi doonaa xildhibaanada golaha wakiilada oo kuraastay ku fadhiyay mudo 12sano ah ,

Comments

comments