Somaliland: Guddoomiyaha Haayada Shaqaalaha oo Xilkii kala Wareegay Wasiiru Dawlada Arrimaha Dibada

Guddoomiyaha Cusub ee Haayada Shaqaalaha Dawlada ayaa maanta xilkii kala wareegay Guddoomiyihii Hore ee haayadaas.

Guddoomiye Sharmaake Geele oo madaxwayne Siilaanyo xilkaasi ku magacaabay isku shaandheyntiisii u dambaysay oo munaasibada xil wareejinta ka hadlay ayaa bogaadiyay shaqada guddoomiyihii Hore ee Maxamed Mixile Boqore.

Maxamed Mixile Boqore wasiiru dawlada Cusub ee arrimaha dibada oo hore u ahaa Guddoomiyaha haayada Shaqaalaha ayaa isna Ilaahay uga baryay inuu shaqada u fududeeyo Guddoomiyaha Cusub ee haayada shaqaalaha.

Munaasibada Xil wareejinta oo ka dhacday Hoolka wasaarada arrimaha gudaha ayaa waxaa labadaasi masuul xilka u kala wareejiyay Gabagabadii wasiirka Cadaalada Somaliland Axmed Faarax Cadare.

Comments

comments