Somaliland: Dadweynaha Hargeysa Oo Soo Dhaweyn La Yaab Leh Ku Muujiyay Taageeradooda Guulaha uu Madaxweynaha Somaliland Ka Soo Hooyay Gobolka Sool

Date:

  • Madaxweyne Siilaanyo oo Waayo-aragnimadiisa Siyaasadeed ku Kasbaday Quluubihii Somaliland Ka Jeeday Ee Siyaasiyiinta Iyo Waxgaradka Gobolka Sool
  • Hargeysa(Wargane):-Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay galab ku soo laabtay caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu soo dhammaystay afar maalmood oo socdaal shaqo ah oo uu ku tagay gobolka Sool oo uu ka soo hooyay guullo taariikhi ah oo gelaya diiwaanka taariikhdiisa togan ee  la xidhiidha hoggaamintiisa himillada fog leh.

    Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu noqday madaxweynihii u horreeyay ee taariikhda rubuc qarnigii Somaliland jirtay iyo xataa tii Soomaaliyaba ee hoyda magaalo-madaxda gobolka Sool ee Laascaanood.arrintaas oo uu ku gaadhay siyaasadiisa odaynimadda iyo nabadda ku qotanta ee uu ku waajahay gobolka Sool. Iyadoo booqashadiisu ay noqotay farriin nool oo sumcad wanaagsan ka bixisay xaaladda nabad-gelyo ee gobolkaas ka jirta.

    Guulaha Booqashadda Madaxweynaha ee Gobolka Sool

    Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ee gobolka Sool, waxa uu ku soo beegmay iyadoo laba toddobaad ka hor ay magaaladda Caynabo ee gobolka Saraar uu ka qabsoomay shirkii u horeeyay ee fool ka fool ah ee ay wada yeesheen Wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo kooxda uu hoggaamiyo siyaasiga Prof, Cali Khaliif Galaydh,dedaalkan dublamaasiyadeed oo ah tallaabo weyn oo Madaxweynuhu ku doonayo inuu kor ugu qaado midnimadda, wada-jirka iyo furdaaminta khilaafaadyadda siyaasiga ah ee dalka.

    Sidoo kale dhaqdhaqaaqyadda nabadeed ee Madaxweyne Siilaanyo ku soo xero-gelinayo siyaasiga Cali Khaliif Galaydh, waxay noqotay mid niyadsami gelisay bulshadda deegaamadaasi oo uu horeba ugu naxajay gogol nabadeed oo uu u fidiyay qaar ka mid ah Beelaha dega gobolladda Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle.Madaxweynaha Somaliland waxa uu qaaday barnaamijyo nabadeed oo isku xidhan oo deegaamadaasi uu ku gaadhsiinayo mashaariic horumarineed oo qasdigoodu yahay in bulshadda   xaga horumarka la soo gaadh siiyo gobollada kale kuwaasi oo ay ku baxayso 7 milyan oo doolar oo iskugu jira dhinacyadda caafimaadka, waxbarashadda iyo biyaha.

    Booqashada Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu ku guulaystay inuu madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolka Sool ka dhaadhiciyay inay wakhti siiyaan oo taageeraan fursadaha nabad-dhalinta ah ee lagula xaajoonayo siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedka ka soo horjeeda Somaliland.

    Madaxweyne Siilaanyo waxa mar kale gogol nabadeed oo sal balaadhan ugu baaqay madax-dhaqameedka gobollada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle, kaasi oo ka dhici doona magaaladda Burco 25-ka Bisha October 2016, shirkaasi oo ay madax-dhaqameedka iyo waxgaradka saddexdaas gogol daboolka ka qaadeen inay howraarsan kaga qeyb-galaan.

    Sidaas si la mid ah waxa kale oo madaxweynaha Somaliland uu shirkii lagu qabtay Adhi-caddeeye Jimcihii toddobaadkii hore kaga dhawaaqay inuu doonayo in wax laga qabto saamiga beelaha deegaankaasi ay ku leeyihiin xukuumadda dhexe iyo goleyaasha qarankaba. Iyagoo si weyn ugaga mahad-celiyay Wasiirka daakhiliga oo uu toddobaadkii hore u magacaabay Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ah siyaasi ka soo jeeda Sool.iyadoo siyaasiyiinta iyo bulshoweynta Somaliland ay taageero laxaadle ugu muujiyeen madaxweynaha wax ay ugu yeedheen “Tallaabo weyn oo uu hore u qaaday”

    Madaxweynuhu waxa kale oo uu soo maray gobolladda Saraar, Saaxil iyo Togdheer oo uu iyagana ka soo furay mashaariic horumarineed halka kuwo kalena uu soo dhagax-dhigay.

    Soo dhaweyntii Sheekh Illaa Hargeysa

  • Madaxweynaha iyo weftigiisa oo shalay ka soo kicitimay magaaladda Burco oo ay habeen hore u hoydeen, waxa duleedka Sheekh illaa caasimadda Hargeysa uu kala kulmay soo dhaweyn la yaab leh oo ay dadweynaha deegaamadaasi ugu hambalyeynayeen dedaalkiisa siyaasadeed iyo guulaha uu ka soo hooyay gobolka Sool.

    Dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa ayaa soo dhaweyntii ugu balaadhnayd uu kala kulmay, iyagoo ku dhawaaqayay hal ku dhigayo ay ugu muujinayeen taageeradda ay u hayaan hoggaamiyahooda oo ay ku tilmaameen inuu dhexda u xidhay sidii uu u taabo-gelin lahaa nabadgelyadda dalka oo uu u marayo hanaan nabad-gelyo iyo wada hadal ku dhisan.

  • silanyo
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...