Kadib Guushii Real Sociedad – Real Madrid Oo Qarka U Saaran Iney Rikoor Cusub U Dhigto Horyaalka La Liga

174

Kooxda boqortooyada ah ee Real Madrid ayaa kusii dhawaaneysa iney rikoor cusub u dhigto horyaalka La Liga kaas oo ka saramari kara rikoor ay qudheeda dhigtay nus qarni ka hor.

Zinedine Zidane wiilashiisa ayaa 3-0 guul ah ku bilaabay xili ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga taasoo la micno ah iney badiyeen kulankii 13-aad oo xiriir ah kulamada horyaalka marka la isku xiriiriyo dhamaadkii xili ciyaareedka 2015/2016 Iyo Bilowga xagaagan cusub ee 2016/2017.

Los Blancos waxey u baahan tahay kaliya sadex guulood si ay uga saramarto rikoorkii ay iyadu dhigtay sanadkii 1961-kii markaas oo ay guul gaartay 15-kulan oo xiriir ah.

Guulo ay ka gaarto kooxaha Celta Vigo, Osasuna Iyo Espanyol oo ah sadexda kulan ee kusoo food leh kulamada La Liga ayaa ka dhigi kara iney ka tilaabsato rikoorkii ay dhigto sanado ka hor isla markaana uu noqdo rikoor cusub oo ay kooxdaan kusoo kordhisay La Liga.

 

Comments

comments

SHARE