Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Kulanka Leaque Cupka Ee Ay Kooxdiisa Reds La Ciyaari Doonto Kooxda Burton Albion Isaga Oo Sidoo Kale Ka Hadlay Dhaawacyada Kooxdiisa Iyo In uu Isbadal Samayn Doono

212

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa qabtay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka  Leaque Cupka ee ay kooxdiisu la ciyaarayso Burton Albion, wuxuuna sheeay in ayna samayn doonin todoba ama sideed isbadal wuxuuna shaaca ka qaadya in uu doonayo sidii ay kooxdiisu baaqi ugu sii ahayn lahayd Leaque Cupka.

Klopp ayaa sheegay in ay sii gorfeeyeen xaalada kooxda ay la ciyaarayaan ee Burton Albion isla markaana uu ixtiraamayo kooxdan wuxuuna yidhi:“Waxaanu lafa gurnay ama falanqaynay Burton Albion, anigu waan jeclahay Championshipka, Burton Albion waa koox fiican, natiijooyin khaas ah iyo sheeko fiican”.

Kadib guuldaradii Liverpool ka soo gaadhay kooxda Burnley ee premier Leaque-ga ayaa kooxda Klopp laga filayaa in ay jawaab ka bixin doonto wuxuuna sheegay in aanu shaxdiisa ku samayn doonin todoba ama sideed isbadal wuxuuna yidhi: “ Waa waxaan dhacayn in aanu todoba ama sideed boosishan aanu badalno. Waxaan Burton Albion ka filayaa shax ah 3-5-2, dabcan waanu ixtiraamaynaa iyaga sidaa daraadeed ma aha waqti ciyaartoy la nasiyo”.

Comments

comments

SHARE