Antoine Griezmann Oo Daaha Ka Qaaday Halyeyga Uu Ku Dayan Jiray Yaraantiisii & Hadii Uu Rajeynayo Ka Ciyaaridda EPL-ka

203

Weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa shaaca ka qaaday inuu yaraantiisii ku dayan jiray kabtankii hore xulka qaranka England & Manchester United David Beckham isagoo sidoo kale qirtay inuu dartiis u xirtay numberka 7-aad ee labadabada qaranka & kooxda.

Antoine Griezmann ayaa ku guuldareystay laba final oo waaweyn sanadkaan markii uu qasaaro kala kulmay isagoo hogaaminaya Atletico Madrid kooxda ay magaalo xifaaltamaan ee Real Madrid finalka Champions League-ga, sidoo kalana wuxuu guuldaro xanuun badan kala kulmay Portugal finalkii Euro 2016 isagoo matalayay dalkiisa France.

Si kastaba Griezmann oo dhawr kooxood lala xiriiriyaya xagaagan ayaa xaqiijiyay iney macquul tahay u dhaqaaqida Premier League-ga mustaqbalka si uu arinkaas uga daydo David Beckham.

Waan jeclahay in badan [David Beckham]” Ayuu yiri Antoine Griezmann oo la hadlayay Guardian. “wuxuu ii ahaa qof aan ku daydo, waanan sababta aan u xirto funaanadaha gacmaha dheer sidoo kalana aan u xirtay numberka 7-aad”

Mar la weydiiyay hadii uu ebid rajeeyay ka ciyaaridda horyaalka England wuxuu ku jawaabay: “Haa, Maxaa diiday? Hadii uu dhamaan lahaa heshiiska Atletico Madrid waan weydiin lahaa nafteyda su’aashaas”

Comments

comments

SHARE