War Deg Deg Ah: Laba Qof Oo Ku Dhintay Iska Hor Imaad Ka Dhacay Magaaladda Laascaanood

467

Laba qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen isku dhac laba kooxood oo hubaysan ku dhex maray garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Laascaanood

allaah haw u naxariistee labada qof ee dhintay ayaa la kala jiray ama la kala safnaa Labada Kooxood ee iyagu ku dagaalamay garoonka Diyaaradaha ee Laascaanood, ka dib markii diyaarad jaad u siday 571 laga hor joogsaday in ay soo degto.

wararka aanu ka helayno magaalada laascaanood ayaa sheegaya in waaxda cashuuraha ee garoonka diyaaradaha ee magaalada laascaanood ay iska diideen in ay cashuuraan jaadkaasi ay leedahay shirkada 571, hasayeeshee ay labada kooxood ee ilaalada garoonka iyo kuwa taabacsan shirkada 571 ay qoryaha isu soo rogteen, halkaasna ay isku raasaaseeyeen.

diyaaradii jaadka siday ayaa iyadu dib u laabatay, xaaladuna waa kala degan tahay hada oo ma jirto wax dhibaato ahi

Comments

comments

SHARE