Ugu Dambeyntii Jamie Vardy Oo Xirtay Maaliyadda Arsenal & Jack Wilshere Oo Masuul Ka Ahaa

217

Miyey Arsenal Lasoo Wareegtay Jamie Vardy? Si Fudud Maya – Balse Weeraryahanka kooxda Leicester City ayaa ugu dambeyntii xirtay maaliyadda Gunners markii ay si sharaf leh isugu garteen iney xusuuso kala reebtaan mid ka mid ah xidigaha ugu fiican kooxda ka dhisan Waqooyiga London.

Bilo ka hor ayey aheyd markii Jamie Vardy si ba’an loola xiriiriyay Arsenal, balse xididga Foxes ayaa iska diiday isagoo heshiis cusub oo mudo dheer ah u saxiixay kooxdiisa, wuxuuna ahaa mid ka mid ah weeraryahanada ay Gunners aad uga baadi goobtay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Dhamaadkii ciyaartii gool la’aanta ku dhamaatay ee dhexmartay Arsenal Iyo Jamie Leicester CityVardykana dhacday King Power ayuu xirtay Jamie Vardy maaliyadda Arsenal markii ay funaanadda kala badasheen kubad sameeyaha Arsenal Jack Wilshere.

Si kastaba waxaan aragnay Jamie Vardy oo ugu dambeyntii xirtay maaliyadda Gunners balse taas lama micno ahan in xidiga reer England uu usoo guuray waqooyiga London & Garoonka Emirates Stadium.

 

Comments

comments

SHARE