Somaliland: Israsaasayn Dhex Martay Ciidamada Booliska Magaalada Laascaanood Iyo Ganacsatada Qaadka Oo Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac.

210

Israsaasayn dhexmartay ciidamada Booliska Laascaanood iyo qaar ka tirsan ganacsatada keena Qaad ayaa waxa ay sababatay dhimashada hal qof iyo midkale oo dhaawac ah.

Halka qof ee dhintay ayaan ka mid ahayn kooxda Israsaasayntu dhexmartay balse waxa uu ka agdhawaa goobta marka rasaastu dhacaysay.

Shaqaadadan ayaa ka dhacday Garoonka diyaaradaha Laascaanood oo markaa ay soo fadhiisatay diyaarad Qaad ka keentay waddanka Kenya.

Shaqaaqadan ayaa waxa ay salka ku haysaa khilaaf dhinaca Shacuuraha ah oo u dhexeeya wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada Qaadka ka keena waddanka Kenya.

Comments

comments