Somaliland: Guddigii Lagu Doortay Shirkii Beelaha GARXAJIS Oo Iska Dhex Doortay Hoggaan Cusub.

{WarganeNews 16-8 21} Gudidii ka koobnaa 21-ka xubnood ee lagu doortay shirwaynihii ay yeesheen beelaha garxajis ee dhawaan kusoo gabagaboobmay gudaha magaalada hargeysa Ayaa maanta kulankoodii u horeeyey ku yeeshey hotel Ambassador ee magaalada hargeysa.

Kulan oo ay u dhamaayeen dhamaan xubnahii lagu doortay shirwaynaha ayaa waxay gudidu ka wada hadleen arimo badan oo ay kamid tahay halka ay ka bilaabayaan hawlaha shaqo ee loo doortay iyo waliba talaabooyinka horumarineed ee ay qaadi doonaan inta ay hayaan xilka oo ku astaysan muddo saddex sanno ah.

Gudidan aya falaqayn iyo lafa gurid arimaha shaqada ah kadib waxay iska dhex doorteen 4 xubnood oo manjaraha u hayn doona gudida,iyagana oona iska dhex doortay gudoomiye,gudoomiye ku xigeen,xoghaye iyo waliba qasnaji.

Waxaana xubnaha loo doortay hogaanka gudigu ay magacyadoodu kala ahaayeen sida tan.

Suldaan Axmed Caddo-gude oo loo doortay gudoomiyaha gudida

Cali Fayr oo loo doortay gudoomiye ku xigeen

Maxamed Geel-jire oo isna loo doortay xoghaye iyo

Axmed Maxamed oo loo doortay inuu ahaado qasnajiga gudida

Gudidan ayaa waxay maanta isla afgarteen inay si toos ah u guda galaan hawlaha shaqo ee hor yaala madaama shirwaynihii beelaha garxajis yeesheen loogu doortay inay noqdaan gudida boodhka ah ee hagi doonta beelwaynta garxajis.

 

Comments

comments

SHARE