Somalia: Ra’iisal Wasaaraha Maamulka Muqdisho Cumar Cabdirashiid oo Cambaareeyey Qarax ka dhacay Gaalkacyo

Muqdisho, August 21, 2016 – (Wargane)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maamulka Muqdisho  Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa cambaareeyey weerar is-qarxin ah oo maanta lagu qaaday xarunta dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo, halkaas oo naftooda ay ku waayeen dad isugu jirey shacab iyo masuuliyiin maamulka gobolka.

“Dowladda Somaaliyeed aad ayey u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarunta dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo, Waxaan leeyahay shacabka Gaalkacayo si wada-jira meel ha uga soo wada jeestaan dhagar-qabayaasha bartilmaameed sanaya shacabka iyo Madaxda”ayuu yidhi R/Wasaare Cumar.

Ra’iisul Wasaare Cumar wuxuu tacsi u diray ehelada dadkii ku nafwaayay weerarka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed. “Dadka dhintay waxaan Eebbe uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo dadka dhaawaca ahna uu caafimaad deg deg ah siiyo,” ayuu raaciyay R/Wasaaraha.

Magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa maanta weeraro ka fuliyay Kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Koonfurta Somaliya, waxaana qaraxyadaasi ku dhintay dad ka badan 20 qof, Iyadoo dadkii dhaawacmayna lagu dawynayo Cidbitaalka Gaalkacayo.

Comments

comments

SHARE