Man United Oo Qiimo Aad U Hooseeya Ku Iibinaysa Bastian Schweinsteiger Iyo Mourinho Oo Doonaya In Xidiga Ree Germany Uu Old Traffrod Ka Baxo

Waxaa la dardar galiyay wada hadalo lagu doonayo in Bastian Schweinsteiger looga saaro Old Traffrod iyada oo Manchester United ay si wayn qiimihiisa hoos ugu dhigtay. Tababare Jose Mourinho ayaan doonayn in sii socoto eedaynta loogu soo jeedinayo Bastian Schweinsteiger uu ka takooray kooxda kowaad inteeda kale.

Bastian Schweinsteiger oo 32 sano jir ah ayaa noqday dhibanihii ugu horeeyay ee maamulka Mourinho waxaana laga saaray kooxda kowaad iyada oo loo badalay kooxda Man United U21 taas oo muran badan ka abuurtay Mourinho iyo Germany.

Bastian Schweinsteiger ayaa Man United ku jooga 17 milyan gini ay xagaagii hore kagala soo wareegeen kooxda Bayern Munich balse 12 bilood kadib waxay Man United Schweinsteiger ku iibinaysaa 2 milyan oo gini oo kaliya iyada oo doonaysa in ay ugu yaraan wax ka hesho lacagtii kaga baxay.

Sida ay ku warantay jariirada Daily Star isla markaana Sky Sports uu daabacay wada hadalaada Bastian Schweinsteiger iyo Man United ayaa la dardar galiyay iyada la filayo in uu kooxda ka baxo inta aanu suuqa kala iibsiga ciyaartoydu xidhimin. Bastian Schweinsteiger ayaa kulankii Man United ay guusha ka gaadhay Southampton ka daawanayay taarabuunka sare ee Old Trafford.

 

Comments

comments

SHARE