Somaliland: Wasiiro Dhex lugeyey Gudaha Degmada Cusub ee Adhicadeeye iyo Soo Dhawayntii Diiranayd ee ay la kulmeen

213

Wefti uu hor kacayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta gaadhay degmada Adhicadeeyey ee Gobolka Sool.

Waftiga Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa ka mid ahaa Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada JSL, Xildhibaano, iyo madax kale oo tiro badan.

Waftiga ayaa waxa si wayn loogu soo dhaweeyey deegaanka Adhicadeeye, iyadoo ay halkaasi ku qaadeen boqolaal ka tirsan dadweynaha deegaankaasi, Sulaadiin, Ugaasyo, iyo qaar ka mida Isimada gobolka Sool.

Somaliland: Wasiiro Dhex lugeyey Gudaha Degmada Cusub ee Adhicadeeye iyo Soo Dhawayntii Diiranayd ee ay la kulmeen
Wasiio ka Tirsan Xukuumadda Somaliland oo ka shaahaynaya Maqaaxi ku Taala Degmadda Adhicadeeye

Wasiiro tiro badan oo toban gaadhaya oo uu ka mid ahaa Wasiirka Madaxooyadda JSL mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dhex lugeyey gudaha degmada cusub ee Adhicadeeye, iyagoo soo dhawayn diiran kala kulmay dadka deegaankaasi.

Wasiirada ayaa sidoo kalena ka shaaheeyey makhaayad ku taala Adhicadeeye, iyagoo kula kulmay qaar kamida dadweynaha degmadaasi.

Somaliland: Wasiiro Dhex lugeyey Gudaha Degmada Cusub ee Adhicadeeye iyo Soo Dhawayntii Diiranayd ee ay la kulmeen
Wasiio ka Tirsan Xukuumadda Somaliland oo ka shaahaynaya Maqaaxi ku Taala Degmadda Adhicadeeye

Madaxweynaha iyo waftigiisa oo ku nastay kana qadeeyey Adhicadeeye, ayaa sidoo kalena halkaasi kaga qayb galayaan shir balaadhan oo la xidhiidha gogoshii nabada ee Madaxweynuhu u fidiyey dadka ku dhaqan gobolada bariga.

Comments

comments