Somaliland: Korodhsiimo Laba Sano Ah Oo Golaha Wakiiladda Miiska U Saaran,Filashada Inta Ay Ka Danbaynayso Ta Madaxtooyadu Iyo Saamaynta Taban Ee Ay Keeni Karto

226

Warar hordhaca oo suuqyada siyaasada soo galay ayaa daaha ka rogay korodhsiimo bisil oo miiska u saaran xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland iyo korodhsiimo mar kale oo madaxtooyada loo samaynayo,taasi oo la sheegay in wakhti kooban kala danbaynayaan,waxa kale oo si wayn loo saadaalinayaa dhaawaca ay korodhsiimooyinkani ku keeni karaan dimuqraadiyadii iyo xidhiidhkii diplumaasiyadeed ee ay Somaliland la lahayd beesha caalamka iyo waliba deeq bixiyayaasha inaga kaalmeeya arimaha doorashooyinka.

Warar lagu kalsoon yahay oo wargeyska Foore soo gaadhay ayaa shaaca ka qaaday iskaashaan buuraysi siyaasadeed oo dhex maray madaxtooyadda Somaliland iyo mudanayaasha golaha wakiilada kaasi oo salka ku haya sidii ay cimrigooda ama wakhti xileedkooda usii dheeraysan lahaayeen iyaga oo isku duuban .

Waxa korodhsiimooyinka dabada ka wada oo si wayn uga dhex muuqda mudanayaashii xagjirka ahaa ee xukuumadda dagaalka mucaaridnimo kula jirey kuwaasi oo hadda ay isku dan noqdeen madaxtooyadda isla markaana olole ugu jira sidii ay uwada korodhsan lahaayeen muddo xileedkooda oo sanadkan fooda inagu soo haya ee 2017-ka kaga eeg.

Waxa socda guux iyo dhaq-dhaqaaq xoogan oo xaqiijinaya inay mudanayaasha wakiiladu iyo madaxtooyadu heshiis hoose wada galeen isla markaana ay iska taageerayaan muddo kordhin loo sameeyo madaxtooyadda iyo golaha wakiilada.

Tibaaxo lagu kalsoon yahay oo wargeyska Foore soo gaadhay ayaa shaaca ka qaaday in marka hore miiska lasoo dhigo korodhsiimada mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland oo la sheegay in loo kordhinayo muddo laba sano ah  taasi oo lasoo hormarinayo ,waxaan arintani durba dhaq-dhaqaaqeeda laga dareemayaa goobaha siyaasadda lagu lafa guro.

Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa iyaga dhinacooda laga dareemayaa jiritaanka arintani ,waxaanay wadaan qorshihii ay arintani u hirgalin lahaayeen mucaaradd iyo muxaafadba ee ay dibadda ugu soo saari lahaayeen.

Korodhsiimada madaxtooyada oo iyadana lasheegay inay u dhaxayso sanad iyo badh ilaa laba sano ayaa la qorsheeyey inay waxoogaa ka danbayso muddo kordhinta wakiiladda oo hadda iyadu miiska saaran lana rajaynayo inay todobaadadan soo socda qaraxdo,waxaaana ay labada garaba ku heshiiyeen in muddo bil ah kala danbeeyaan.

Korodhsiimada madaxtooyada ama xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ayaa la sheegay inay dhici karto in qalinka lagu duugo bilowga sanadka cusub siiba bisha ugu horeysa sanadka.

Aqoonyahano ku xeel dheer dhinaca arimaha diplomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee arimaha dimuqraadiyada iyo dib u dhaca doorashooyinka ku yimaada oo wargeyska Foore wax ka waydiiyay arintani ayaa saadaaliyay in korodhsiimo danbe oo loo sameeyo madaxtooyadda iyo golaha wakiilada ay keeni karto dhaawac wayn oo ku yimaada xidhiidhkii diplomaasiyadeed ee ay Somaliland la lahayd caalamka ,waxaany tilmaameen in arintan ay keeni karto inay caalamku xidhiidhka u jaraan xukuumadda talada haysa ee KULMIYE isla markaana uu culays badan soo waajihi karo oo dhinac walba leh,waxaanay walaac iyo wal-wal ka muujiyeen doorashooyin danbe oo dimuqraadiyadeed inay ka qabsoomaan somalialand,dhawaan ayaa la filayaa inay soo baxdo xaaladdani.

Comments

comments