Somaliland: Wasiir Xaglatoosiye Oo Gaadhay Buuhoodle, Si Dahsoon-na U Sheegay Inay Tolkiisu U Fadhiyaan Xil La Mid Ah Ka Loo Magacaabay Yaasiin Xiir Faratoon.

285

Wasiirka wasaaradda Caafimaad Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo socdaal shaqo ku tagay magaalada Buuhoodle xarunta gobolka Buuhoodle ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey deegaankaas waxaana uu wasiir Xaglatoosiye socdaal ku maray jidadka magaalada Buuhoodle.

Wasiirka oo khudbad u jeediyey dadwaynaha reer Buuhoodle ayaa farriin u diray dadka deegaankaas ka soo jeeda waxaana uu ugu baaqay inay midoobaan oo talo midaysan la yimaadaan sidii ay dalka siyaasadiisa uga qayb qaadan lahaayeen.

Wasiir Xaglatoosiye ayaa sidoo kale farriintiisa lagaga dhadhansan karayay inuu socdaalkiisu ku qotomo sidii ay reer Buuhoodle u heli lahaayeen xil la mid ah Wasiirka arrimaha gudaha oo reer Sool loo cumaamaday, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

” Rer Buuhoodlow waxaa socda siyaasado kala guur ah oo isu guur ah waxaana haboon in aynu meel ka galno , dhaqankeenu inta badan reer miyi beynu nahay ninka rer baadiyaha ahi marka deegankiisu daaqu ka xumaado abaari ku dhacdo waa uu ka guraa waxuu u guraa guri wacan markaas ma ninkaas rer miyiga ah beynu ka liidanaa waxaa socda siyaasado kala guur ah oo noqon doona barrito ninkii ilaahay haleel siiyo kuwa hagi doona umadda , Umaduna waa isku dan hadana waa kala dan Reer Buuhoodle waxaa laga rabaa inay tashadaan, inaynu isu nimaadno oo aynu tashano oo meeshii aynu aragno inay danteenu ku jirto ee dalsan ah aynu isku raacno”

Saleebaan Ciise Xaglatoosiye ayaa mar uu ka hadlayay xilka loo magacaabay wasiirka Arrimaha gudaha Yaasiin Faratoon ayuu hambalyo u diray wasiirka cusub waxaana uu sheegay inuu Yaasiin Xiir Faratoon ku yimi taladii reer Sool, reer Buuhoodlena looga baahan yahay inay sidaas oo kale u tashadaan, waxaana uu yidhi:

“Waxaan u hanbalyeynayaa wasiirka cusub ee arimaha gudaha Mr Yasiin Faratoon , hada rer Buuhoodlow midna ogaada xilkaasi iskamuu iman bilaashna kumuu iman ee talo ay tashadeen rer Sool ayuu ku yimid ” ayuu hadalkiisii ku soo koobay wasiir Xaglo Toosiye

Comments

comments

SHARE