Somaliland: “Reer Buuhoodloow Aynu Meel Ka Galno Siyaasadaha Kala Guurka Iyo Isku-guurka Ah Ee Socda” Wasiirka Caafimaadka JSL

537

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa Shalay lagu soo dhaweeyay Magaalada Buuhoodle oo uu Safar ku tagay.

Dr. Xaglo-toosiye oo Shacabka Magaalada Buuhoodle kala hadlay Goob fagaare ah, ayaa ugu baaqay inay ka wada-tashadaan Dantooda isla-markaana la jaan-qaadaan Siyaasadaha kala guurka iyo isku-guurka ah ee ka socda Deegaannada bariga Somaliland.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Reer Buuhoodloow waxaan u imid inaynu Tashanno, oo aynu meel ka galno Siyaasadaha kala Guurka iyo Isku-guurka ah ee socda. Ninka Reer Miyiga ahi marka Deegaanku Abaar noqdo wuu ka guuraa ee maxaynu ka liidanayaa Ninkaa Reer Miyiga ah. Waxa socda Siyaasado kala guur ah oo Ninka Maanta ILAAHAY haleelsiiyaa uu hagi doono Ummadda.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay, “Xaqiiqada ayaan idiin sheegayaaye waa inaynu Tashanno oo meeshii Dal-san ah inaynu isku raacno weeyaan.”

Comments

comments

SHARE