Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Wakiilada Ku Soo Celiyey Xeerarka Booliiska Iyo Duulista Iyo Qodobbada Uu Dalbaday In Wax Laga Beddelo

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa golaha wakiilada somaliland dib ugu soo celiyey xeerka ciidanka Booliska somaliland iyo xeerka duulista iyo hawada.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiiladda somaliland oo ka hadlay soo celinta madaxweynaha ee xeerarkan ayaa waxa uu dhaliilay qaabka uu madaxweynaha somaliland u maray inuu dib ugu soo celiyo xeerkan waxaanu yidhi “Madaxweynuhu marka xeerka loo geeyo waa inuu ku saxeexaa 21 cisho gudahooda, haddii uu wax ka diido xeerarka uu saxeexayana waa   inuu horta xeerka saxeexaa ka dibna waa inuu codsadaa wax ka bedel iyo kaabis.”

Xildhibaan Xoog oo sharaxaya xeerka booliska oo madaxweynuhu soo celiyey iyo qodobada uu soo jeediyey in wax laga badalo ayaa waxa uu yidhi “Laakiin imika xeer ayaa nalagu soo celiyey waxaanu madaxweynuhu ku soo hagaajiyey shirgudoonka, Waxaanu madaxweynuhu ku yidhi

Ujeedo soo jeedin wax ka bedel iyo wax ka saarid qodobada 16,17,32,34,35,36,44,45,46 ee xeerka ciidanka booliska xeer Lr 63/20013,  habkaasina maaha dooro waxaad doonto, waxaad doontana ka saar, madaxweynuhu xeerka oo dhan wuu ansixiyaa marka danbana waxa uu codsadaa wax ka bedel iyo kaabis laakiin inuu qodobo soo qaato oo uu yidhaahdo wax ka badala waxna ka saara habka xeerarka loo sameeyo maaha.”

Sidoo kale Xildhibaan Xoog oo hadalkiisa sii wata ayaa sharaxay qodobada uu madaxweynuhu soo celiyey ee uu  doonayo in wax looga badalo waxaanu yidhi “qodobada uu madaxweynuhu soo celiyey waxa ka mid ah qodobka ciidamada awooda u siinaya qaadashada hubka iyo inuu u adeegsado difaaca nafta iyo maalka, waxaanu qodobkaasi odhanayaa dad aan hubaysnayn halis ma galin karaan nabad galyada askariga, waxaana lays ticmaalaa qiiq, sunta  dadka kaga ilmaysiisa iyo biyo, markaa waxa uu leeyahay qodobabadaas iga soo badala intaan hubka qaato aan dadka mudaharaadaya laayo, qodobkaas caalamka lama arag meel lagaga dhaqmo, habka uu madaxweynuhu u soo celiyey qodobada na horyaala  way qaldan yihiin mana ahaa habkii la mari jiray, haddii uu keenana waxa dhimanaya  xeerkii oo dhan, wuxuu soo celiyey xeerkii Booliska iyo xeerkii duulista iyo hawada, waxaanay xeerarkaasi u baahan yihiin 55 cod si loo ansixiyo haddii kale way dhimanayaan.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in golaha wakiiladu u furmi la yahay kooram la,aan soo foodsaartay, waxaanu tilmaamay inaanay xildhibaanadu ka soo xaadirayn fadhiyada golaha waxaanu yidhi “Xeerarka uu madaxweynuhu soo celiyey way na horyaalaan , golihiina maalintii ay ansixiyeen arintii dekeda ugu danbaysay kooram buuxsama,  waxaana jira rag xildhibaano ah oo maalinta madaxtooyadu arin wadato gaadhi lagu soo qaado, inta kale ee sanadkana lama helo, maalintaas ayaa la keenaa gaadhi baa lagu soo qaadaa marka ay ansixiyaana golaha dib uma yimaadaan, goluhuna kooram la,aan ayuu u furmi la yahay, ragayagaas qaylinaya ee wax saxaya ayaa maalin walba golaha taagan ragii kalana  jiif oo jaq ayey ku jiraan.”

Comments

comments