Somaliland: Isku-Shaandhayntii Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhalisay Xukuumaddii Abid Ugu Tirada Badnayd Iyo Laba Ujeedo Oo Muhiim U Ahaan Lahaa Oo Ay Seegtay

Waxaa weli si aad ah fagaarayaasha siyaasadda lagu gorfeeyo iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland ka dhex socda doodo iyo sheekooyin kala duwan oo la xidhiidha isku-shaandhayntii ballaadhnayd ee uu madaxweyne Siilaanyo 72 saac ka hor ku sameeyey golaha xukuumaddiisa oo saamaysay 15 wasaaradood oo kala ah, Arrimaha gudaha, Duulista iyo hawada, Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah, Boosaha iyo isgaadhsiinta, Shaqada iyo arrimaha bulshada, waxbarashada iyo tacliinta sare, Maaliyadda, Arrimaha dibadda, caafimaadka, Qorshaynta Qaranka, Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka, Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka, Wasaaradda Beeraha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Wasaaradda Wershadaha. Iyo sidoo kale, wakaalado iyo haayado qaran oo muhiima ah, danjirayaal, guddoomiyeyaal gobal iyo la’taliyeyaal. Taas oo ka dhigaysa isku shaandhayntii ugu ballaadhnayd ee uu Madaxweynuhu sameeyey Lixdii sano ee uu xilka hayey.

Isku shaandhayntan madaxweyne Siilaanyo waxa ay ku soo beegantay xilli toddoba bilood oo keli ahi ka hadhsan yihiin waqtiga loo qoondeeyey in ay dhacaan doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiillada ee Somaliland. Sidaa awgeed waxa ay isku shaandhayntani yeelatay macne ah in ay tahay xukuumaddii ol’olaha, sida xiliyadan oo kale laga fisho xukuumadaha Somaliland oo inkasta oo aynu sharci ahaan u dhisannahay nidaam dawladnimo oo ku salaysan xisbiyo, haddana uu weli si aad ah, u xoog badan yahay nidaamka qabiilka oo codaynta doorashada saamayn weyn ku leh, taasna ay kallifayso in madaxweynuhu si uu cod u helo uu ballaadhiyo xukuumaddiisa.

Sidoo kale isku-shaandhayntu waxa ay ku soo beegantay xilli ay wada hadallo miisaan leh xukuumaddu la furtay hoggaamiyaha kooxda Isku-magacowda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo muddooyinkii u dambeeyey ku celcecelinayey hadallo u dhacaya in isfaham dhex mara Somaliland iyo maamulkiisu uu qasab ka dhigi doono in sida hadda wax yihiin aanay sii ahaan doonin, beesha uu ka soo jeedaana xaqa ay tebeyso ka hesho Somaliland.

Marka laga tago aragtiyaha siyaasigga ah ee kooxda Khaatumo ku andacooto, waxaa biyo kama dhibcaan ah in beesha dhul-bahante iyo guud ahaan beelaha Harti ee bariga Somaliland ay muddo dheer qabeen tabasho ah in laga gacan-bidixeeyey saamigii ay xaqa ugu yeelan lahaayeen talada dalka, taas oo ah xaqiiq ay aqoonyahan iyo siyaasiyiin badan oo beelaha kale ee Somaliland ka soo jeedaana aad u qirsan yihiin. In madaxweyne Siilaanyo taas maanka ku hayey markii uu isku-shaandhayntan u dambaysay samaynayeyna laga dareemi karo tirada uu ku kordhiyey xubnihii xukuumaddiisa ugu jiray beelaha bariga, isla markaana ku soo daray xil marka Somaliland la eego miisaan weyn leh oo ah wasaaradda arrimaha gudaha.

Haddaba in isku-shaandhaynta madaxweyne Siilaanyo ay xilligan timid oo labada weji ee aynu soo sheegnay midkood yeelanaysa ama isku darsanayso ayaa ay ka muuqataa in aanay sidii uu madaxweyne Siilaanyo jeclaan lahaa uga jawaabayn labada qodob midkoodna.

Waa marka koowaad ‘ee masuuliyiinta uu madaxweyne Siilaanyo soo kordhiyey badankoodu ma’laha miisaan ay xukuumadda ugu ekeysiiyaan tii ol’olaha, oo macnaheedu yahay in ay u badan yihiin rag aan saamayn la og yahay ku dhex lahayn beelaha oo xilligan gacan ku haynta codkoodu ay muhiim tahay, qaarkoodna masuuliyiinta ay beddeleenba kaga saamayn yar yihiin beelaha dhexdooda.

Waa marka labaad ’ee; in kasta oo ay waqtigii saxda ahaa aad uga soo dib dhacday in beelaha dhul-bahante saamigooda ay helaan, xilligan oo bilo yari uun u hadheen madaxweynaha, haddana waxaa ka sii daran in isku shaandhayntani ay mar kale seegtay waqtigii ku habboonaa, oo ahaa in ay ku timaaddo midhaha ka soo baxa wada hadallada hadda u socda xukuumaddiisa iyo beelaha bariga. Taas oo isagana culayska ka yarayn lahayd, maadaama oo tallaabadan oo kale xilligaas macno samaynayso, isla markaana ka furanayso in mar kale oo waqti intan ka sii yari u hadhay uu dib ugu noqdo saamiga uu beeshaas ka siiyey xukuumadda, si uu qodobbada heshiiska iyo tabashada iman doonto u waafajiyo.

Si kastaba ha ahaato ee waxaa muuqda in isku shaandhayntiisu ay seegtay labadan ujeeddo ee muhiimka ah oo xitaa haddii aanu madaxweynuhu niyadda ku hayn xilligii isku-shaandhaynta samaynayey ay duruufaha ina horyaalla iyo waaqaca runta ahi qasab ka dhigayaan in lagu xidho.

Labadaa arrimood ee muhiimka ah beddelkoodana waxa ay Isku-shaandhayntu madaxweyne Siilaanyo geyeysiinaysaa dhalleecayn ku timaadda xukuumaddiisa oo la xidhiidha tirada xad dhaafka ah ee ay korodhay lixdii sano ee uu talada hayey. Madaxweyne Siilaanyo oo tirada xukuumaddiisa ku bilaabay 26 xubnood ayaa maanta ay korodhay in ku dhow saddex laab.

Golaha xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo tiradiisu ay tahay tii abid ugu badnayd ee Somaliland ay yeelato rubuc qarnigii ay jirtay, ayaa ku dhowaad toban xubnood iyo sidoo kale haayado iyo wakaalado muhiim ah ka badan xukuumaddii ka horreysay ee Madaxweyne Rayaale oo dhaliisha ugu badan ee mucaaradka oo Guddoomiye Siilaanyo (Xilligaas) ugu horreeyaa ay u jeedin jireen ahayd tiro badnaanta golihiisii xukuumadda. Iyada oo la og yahay in korodhka tirada xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ka xawaare badan yahay kii ay ku socotay xukuumaddii Rayaale oo iyadu 8 sano ku gaadhay halka ay xukuumaddani 6 sano ku gaadhay.

Aqoonyahan iyo indheer-garad badan oo madaxweyne Siilaanyo ku taageeray ballanqaadkiisa tayeynta iyo tiro yaraynta xukuumaddiisa ayaa maanta iyagu dareen taban ka qaba in tiradu intaas ka sii badato iyaa oo lagu jiro xilli dhaqaalaha dalku aanu si habboon ula jaanqaadin horumarka loo baahan yahay, dalkana ay ka jiraan duruufo u baahan in mushaharka la siinayo golaha wasiirrada ee Lixda tobnaad ka badan iyo masuuliyiinta kale ay ku fiicnayd in dib loogu soo celiyo bulshada, madaxweynuhuna ka fikiro in dalka la galiyo xaalad gunti-giijis ah oo lagu dhimayo kharashaadka ku baxa waxyaabaha aan loo baahnayn iyo in musuq-maasuqa lala dagaallamo.

Comments

comments