Somaliland: Ex Wasiir Maxamed Biixi Yoonis Oo Lasoo Wariyay In Masuuliyiin Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Ka Tirsani Usoo Bandhigeen Inuu Ka Noqdo Fikirkiisii Hore Kuna Soo Noqdo Xisbiga KULMIYE

Warar xog-ogaal ah oo laga helay ilo wreedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in masuuliyiin xukuumadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE-ba ka tirsani ay wasiirkii hore ee wasaarada arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ay usoo bandhigeen qorshe uu kaga noqonayo fikirkiisii hore ee uu ku qaadacay doorashadii ka dhex dhacday xisbiga KULMIYE ee lagu doortay Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici oo hadda ah madaxwayne ku xigeenka Somaliland uuna kusoo noqdo xisbigiisii iyo saaxibadiisii siyaasada.
Ex Wasiir Maxamed Biixi oo mudooyinkii u danbeeyey dalka dibadiisa ku maqnaa kana mid ah garabkii qaadacay doorashada KULMIYE lana baxay garabka isbahaysiga KULMIYE ayaa waxa sida naloo sheegay la xidhiidhay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga iyo xukuumaddaba iyo waliba madax-dhaqameed afkaar ahaan taageersan xisbiga oo ah beesha uu kasoo jeedo, kuwaasi oo ka codsaday Maxamed inuu kasoo baxo garabka oo hadda wada hadalo u socdaan xisbiyada mucaaradka ah uuna kusoo noqdo xisbigiisa KULMIYE lana fikir noqdo asxaabtisii ay ka wada cadhoodeen KULMIYE ee hadana kusoo noqday xisbiga oo uu kamid yahay Cabdicasiis Samaale,xildhibaan Kijaandhe,Cabdiwaaxid Cabdiqaadir,Baashe Faarax.
Ilaa hadda waxaan la garanayn in uu yeeli iyo in uu diidi doono Ex Wasiir Maxamed Biixi Yoonis baaqa uga yimi masuuliyiinta ka kala tirsan xisbiga,xukuumadda iyo waliba madax-dhaqameedka isla markaana ay kaga codsanayaan sida la sheegay inuu dib ugu soo noqdo xisbiga KULMIYE.
Dhanka kalena xubno ka tirsan garabka isbahaysiga KULMIYE ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin dalka isu-tagga imaaraadka carabta kuwaasi oo aanay cadayn ujeedada ay halkaasi u jogaan waxaana xubnahaasi kamid ah Ex wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan,Ex Wasiir Cabdirisaaq Khaliif iyo Mawliid Waris kuwaasi oo dhamantood xilal kasoo qabtay xukuumadda madaxwayne Siilanayo,waxaana wali aan la garanayn xisbiga ay garabkani iskugu biyo shuban doonaan ee ay ku biiri doonaan madaama ay wada hadalo u socdaan labada xisbi mucaarad.

Comments

comments