Somaliland: “Waxa Iga Saadaal Ah In Guddoomiye Ramaax Ku Dhiman Doono Gacanta Dhulbahante Ama Cali Khaliif Ku Dhiman Doono Gacanta Isaaq” Siyaasi Yuusuf Budle

“Wasiir La Casilay Ayaa Safiir Qaatay Iyo Wasiir Kale Oo Afhayeen Qaatay Waar Dalka Maxaa Busaarad ka Dhacday, Booskii Banaanba Waan Qaadanayaa….” Siyaasi Yuusuf Budle

Siyaasi Yuusuf Budle oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Somaliland, horena u ahaa xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga UCID ayaa tafsiir ka bixiyey isku shaandhayntii Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo la dhex qaaday xukuumadiisa taasoo saamaysay dhamaan hay’adaha dawladda.

Yuusuf Budle oo haatan ku nool dalka Maraykanka ayaa isku shaandhaynta Madaxwaynaha Somaliland sameeyey ku sheegay mid siyaasiyiinta qaarkeed lagu quudhsaday isla markaana xilal aan meeqaamkooda ahayn loo dhiibayn iisagoo ta ugu sii darana ku sheegay inay masuuliyiintaas qaateen xilalkaas quudhsiga ah. Isago arrinkaas ka hadlaya ayuu yidhi Yusuf Budle:

“Wasiiro la casilay: From Wasiir to Safiir…. From Wasiir to Afhayeen….. iwm. Waar meesha busaarada ka dhacday weynaa ( Shaqadii banaanba waan qaadanayaa ayaa ka dhacday.Midda kale ee aan ilaa hada ku cadayn magacaabidan xilalka iyo xilal ka qaadida ayaa ah in Siilaanyo taageersan yahay iyo in uu kasoo horjeedo Musharaxiisa Kulmiye ee Muuse Biixi”.

Siyaasi Yuusuf Budle oo hadalkiisa sii wata ayaa saadaliyey inay shacbiga reer Sool iyo guddoomiyaha cusub ee gobolkaas Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax isa seegi doonan, isagoo sidoo kalena sheegay inuu Guddoomiye Ramaax halis gali doono, haddii kalena uu nabad gali doono oo uu taas bedelkeeda Cali Khaliif gacanta Isaaq ku bixi doono waa sida uu hadalka u dhigaye, waxaana uu yidhi:

“Waxa kaloon la yaabay in lasoo dhawaynayo reer Sool iyo in la caydhinayo marka loo geeyey Gudomiye Ramaax oo ahaa ninkii Awdal qasay caydiisii iyo aflagaadadiisiina talaabisay Suldaan Weber iyo kooxdiisii hubaysnayd. Waxa aanan sugi karayn waxa kala qabsada reer Sool iyo Gudoomiye Ramaax. Waxase iga saadaal ah in Gudomiye Ramaax ku dhimanayo gacanta dhulbahante ama Cali Khaliif Galaydh ku dhimanayo gacanta Isaaq”

Isku shaandhayntii uu habeen hore Madaxwaynuhu ku kala sifeeyey xukuumadda ayaa sahayatay masuuliyiin awood laha halka ay qaar kalena salaanka siyaasadda soo fuuleen.

Comments

comments