Somaliland: Maxaa ka jira Wasiirkii Hore Ee Ganacsigu Deyr Saluugsan Yahay Xilka Madaxwayne Silaanyo U Magacaabay ee uu Hore usoo Qabtey

Wasiirkii hore ee wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland mudane Xuseen Aadan Cige Deyr oo ku jirey isku shaandhayntii habeen hore madaxwayne Siilaanyo soo saaray isla markaaan dib loogu celiyay xilkii uu hore usoo qabtay ee ahaa afhayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa waxa laga soo sheegayaa inuu saluugsan yahay xilkaasi uu madaxwaynuhu u igmaaday.

Xuseen Deyr ayaa waxa ilo xog ogaal ah oo u dhuun daloolaa ay noo sheegeen in diidan yahay isla markaana uu saluugsan yahay inuu dib ugu noqdo afhayeenka madaxtooyda madaama uu hore u ahaa afhayeenka madaxtooyada  hadana uu taagnaa mansab wasiirnimo buuxa oo ah wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga caaalamiga ah ee somaliland,waxaana lasoo wariyay inuu ilaa shalay galinkii danbe uu ku jirey madaxtooyada Somaliland wasiirku.

Ilaa hadda se ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay wasiirka,waxaana la filayaa inuu maanta warbaahinta la hadlo kana hadlo sida uu arko xilkan madaxwayne siilanyo u magacabay ee ah afhayeenka madaxtooyada Somaliland oo uu hore usoo qabtay.

 

Comments

comments

SHARE