New York: Iimaam Masjid oo lagu dilay magaalada New York ee dalka Mareykanka

Nin u dhashay Bangladesh oo Iimaam ka ahaa Masaajid ku yaalla magaalada New York iyo nin kale oo saaxibo ahaayeen ayaa shalay la dilay.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in nin hubeysan uu madaxa ka toogtay Iimaamka iyo saaxibkiisa, kadib markii ay ka soo baxeen salaadii casir.

Ninka hubeysan ee dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, mana suuragelin inay Booliska soo qabtaan, hase ahaatee waxay wadaan baaritaan.

Iimaamka la dilay ayaa lagu magacaabaa Maulana Akonjee oo 55 jir ah, iyo

saaxibkiis oo lagu magacaabo Thara Uddin oo isna 64 sano jir ah, waxayna labadana xirnaayeen khamiis xilliga la tooganayay

Jaaliyada Bangladesh ee ku dhaqan magaalada New York ayaa dhigay dibad bax ay ku dalbanayaan in la soo qabto ninka ka dambeeyay dilka, lana horkeeno cadaalada.

Gabar uu dhalay Iimaamka la dilay oo lagu magacaabo Naima Akonjee oo 28 jir ah, isla markaana ka mid ah todobo carruur oo uu dhalay Iimaamka ayaa sheegtay in aanay jirin cid uu dambi ka galay aabaheed, isla markaana aanay garan karin sababta loo dilay

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in Iimaanka xilliga la dilayay uu watay lacag dhan kun dollar, balse markii la dilay aanan lacagtaas laga qaadan.

Iimaam

Sandals mark the crime scene, Saturday, Aug. 13, 2016, not far from the Al-Furqan Jame Masjid Mosque in the Ozone Park neighborhood of Queens, New York, where the leader of a New York City mosque has been fatally shot and an associate has been wounded in a brazen daylight attack. (AP Photo/Craig Ruttle)

Comments

comments

SHARE