Somaliland: Cabdicasiis Samaale, Oo Ugu Danbayn Si Rasmiya ula Hawlgalay Xisbiga KULMIYE Oo Uu Muddo Dheer ka Maqnaa.

Wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliland, Mud. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ahaa shakhsigii ololaha ugu darani dhexmaray Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, ayaa ugu danbayntii dib ugu soo noqday Xisbiga KULMIYE oo uu muddo kaga maqnaa cadho ka dhalatay racitaankii Madaxtooyadu garabka saartay Murashaxnimada Muuse Biixi.

Cabdicasiis Samaale, ayaa ka qayb galay shir guddida fulinta Xisbiga KULMIYE maanta ku yeesheen xarunta Xisbiga, waxaanu garabka garabka u saaray Guddoomiye Muuse Biixi oo aanay wakhti dheer shirar noocan oo kale ah isugu iman.

Lama oga qodobada ugu weyn ee uu Mr. Samaale ku ilaaway ama dhaafsaday qardoofoyinkii xanafta laha ee ka soo gaadhay Xisbiga KULMIYE markii uu hankiisa shaaciyay, balse waxay wararku sheegayaan inuu go’aan shakhsiya gaadhay.

Comments

comments